25.1 C
Mogadishu
Monday, February 16, 2026

Xog: XASAN SH. oo laga yaabo inuu ka maarmo maamulka loo dhisayo HIIRAAN iyo SH/DHEXE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa culeysyo kala duwan uu ka heystaa dhanka maamulka cusub ee la filaayo in loo dhigo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu xilka madaxtinimo ee maamulkaasi la doonaayay Faarax C/qaadir, balse uu ka gadmi waayay Odayaasha iyo Siyaasiyiinta kasoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu cadaadis xoogan kala kulmayaa Dowlada Ethiopia oo si gaar ah u daneyneysa inay hanato maamulka Cusub, bacdamaa labada Gobol midkood uu hodan ku yahay Kheyraadka dabiiciga ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Dowlada Ethiopia waxa ay si wada jir ah u doonayaan in doorashada iyo dhismaha maamulka Cusub uu kasoo hormaro Doorashada dalka, balse waxaa muuqaneysa in Xassan Sheekh uusan u taag heli karin maamulkaasi marba haddii uu xilkaasi la waayay Faarax C/qaadir.

Dowlada Ethiopia oo qorshaheedu ahaa in maamulkaasi cusub la dhiso xili hore ayaa iyana doorbideysa in wakhtiga laga lumiyo Odayaasha labada Gobol bacdamaa ay wali jiraan Khilaafyo hoose oo ka dhextaagan labada dhan.

Siyaasada Xassan Sheekh oo aan wali caga dhigan ayaa waxa ay u muuqataa inuu ka maarmi doono maamulka cusub sababo la xiriira laba qodob oo kala ah, Faarax C/qaadir oo aan ka gadmin dadka kasoo kala jeeda labada Gobol iyo Xassan Sheekh oo muddo intaa kasii badan aan u taagheyn dhismaha maamulka cusub bacdamaa wakhtiga uusan qeybsameynin.

Cusmaan Xaaji Nuur oo kamid ah Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu dhowr jeer usoo jeediyay in la taageero Faarax C/qaadir balse ay ka hor imaaden, taasi oo uu sheegay inay suuragal tahay in shirarka ka socda Jowhar uu isku bedelo mid wakhti lumis ah.

Cusmaan Xaaji waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu rajo xumi ka muujinaayo shirka, bacdamaa uusan gacanta ku heyn cida uu la doonaayay Madaxweynaha, taasi badalkeeduna uu ka doorbidaayo in shirka uu hakat galo.

Dhanka kale, Cusmaan Xaaji waxa uu cadeeyay in qaabka ay hadda wax u socdaan ay muujineyso inaan waxba kusoo kordhi doonin shirka una muuqaneyso inay kasoo hormarto doorashada marka loo eego heerka Khilaafka uu gaarsiisan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News