Xog: R/W CCC oo ku dhaqaaqay tallaabo aan qancin Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cumar C/rashiid oo ah musharax doonaya xilka Xasan Sheikh ayaa waxaa xogaha aan heleyno ay sheegayaan inuu doonayo inuu taageero ka helo waxgaradka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kuwaasi oo mucaaradsan shirka Jowhar dib looga bilaabayo.

Kulankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro dowlada ka tirsan, waxaana odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay shirkaasi ay sheegeen in xukuumada aysan ku qanacsaneyn hanaanka shirka magaalada Jowhar, maadaama qorshaha iminka ay wadaan wasiiro xiriir dhow la leh Xasan Sheikh.

Cumar C/rashiid, ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay in waxba uusan kala socon shirka ka bilaabanaya magaalada Jowhar, waxaana sida qorshaha uu yahay uu doonayaa inuu taageero kaga helo xubnaha shirka mucaaradsan.

Arintaan ayaa banaanka soo dhigeysa in madaxda dowlada ee musharaxa ah iney kala jiidanayaan xubnaha doonaya dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo kuwa mucaaradsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com