Faarax Macallin oo sheegay inuu la dhacsan yahay go’aanka DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo un ka hor ay dowlada Somalia ku dhawaaqday joojinta Qaadka kaga imaada dhanka Kenya ayaa waxaa go’aanka dowlada Somalia taageeray Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin.

Faarax Macallin, ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo go’aanka ay dowlada Somalia ku joojisay Qaadka waxa uuna sheegay in go’aankaasi uu imaaday xili munaasib ah.

Faarax Macallin, waxa uu sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay in dowlada Somalia ay wakhti danbe ka fekertay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee uu qaadka duleystay.

Waxa uu sheegay Faarax Macallin, inuu hubo in go’aanka dowlada Somalia ay ku joojisay qaadka ay waxbadan ka bedeli doonto dhaqanka ragga Soomaalida ah ee sida xoogan u isticmaala qaadka kuwaasi oo uu sheegay inaysan eegin qoysaskooda.

Nuqul kamid ah haddalka Faarax Macallin ayaa ahaa ”Waxaan kula dar daarmayaa dowladda Somalia in aysan ka laaban go’aanka ay ku joojisay qaadka”

Faarax Macallin, waxa uu sheegay in muhiim aysan aheyn in dhag jalaq loo siiyo cabashada dhalinyarada qaadka laga joojiyay iyo qeyla dhaanka kasoo yeereysa dowlada Kenya.

Geesta kale, Faarax Macallin waxa uu dowlada Somalia ugu baaqay inaysan ka labalabeyn go’aanka ay ku hakisay qaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com