Fadeexo cusub oo kusoo baxay gudoomiyaha bankiga dhexe ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe waxaa ka dhacay asbuucii la soo dhaafay fal danbiyeed la xiriira boob hanti qaran, kaas oo lagu lunsaday lacag ka badan nus malyan oo doolarka Mareykanka ah sidoo kalena la soo galiyay qasnada Bangiga Dhexe lacago doolar ah oo been abuur ah. Xildhibaanada iyo badi shacabkuba waxay qabaan in lacagta la lunsaday aad uga badan inta Gudoomiyaha Bangiga Dhexe uu shaaciyay.

Baaritaanadii aan ku sameyneynay falkii lacag lunsashada, wuxuu soo saaray fadeexad kale oo ah in Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Bashiir Ciise Cali, uu bil walba ka qaato hey’adaha dhigiisa ah mushaar gaaraya dhowr iyo toban kun oo doolar hadana maraya boqolaal kun oo doolar. Waxaan xaqiijinay illaa hadda hey’adda African Development Bank oo ah Bangi ay shaqo toos ah kala dhexeyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jirta in qaadashada lacagahan sharci-darada ah, oo keenaya (Conflict of Interest) ama sida ay Soomaalida u taqaan (Af wax cunay xishoo), ayaa la sheegayaa inay suurtagal tahay in mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan iney sida Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ay uga qaataan mushaar hey’adaha, shirkadaha, iyo dowladaha ay kala dhaxeyso shaqo, heshiisyo iyo xiriiryo.

Arrintan waxay dhabar jab iyo lid ku tahay dowlad-wanaaga waxayna kaloo kalsooni darro ku abuuraysaa hey’adaha caalamiga ah iyo Dowladda Federaalka oo Bangiga Dhexe uga fadhisa in uu ilaaliyo hanti intaas ka badan, si sharci iyo amaano ku dhisan.

Gar-yaqaan aad ugu dhuun daloola arrimahaan ayaa ku tilmaamaya in habacsanaanta iyo boobka Bangiga Dhexe ka jira ay salka ku hayso masuuliyadii kormeerka ee Baarlamaanka Federaalka oo wiiqantay, isla markaana gudan waayay waajibkooda.

Sidoo kale, Gudiga Maamulka Sare ee Bangiga Dhexe oo uu hoos yimaado Gudoomiyuhu ayaa iyana muuqataa in uu ka jiiftay howshii loo igmay oo aheyd in ay si joogta ah ula socdaan dhaqdhaqaaqa, maamulka, miisaaniyada, maamulka dhaqaalaha, go’aamada iyo la xisaabtanka madaxda Bangiga Dhexe.

Beesha Caalamka ayaa mar walba tuhunsan hey’adaha dowliga ah, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha maaliyada iyo lacagaha, sida Bangiga Dhexe oo inta badan lagu eedeeyo falal danbiyeed iyo wax-isdaba-maryeyn lid ku ah qawaaniinta caalamiga iyo sharuucda dalka intaba.

“Fadeexadaan iyo kuwii ka horeeyay ayaa ah kuwa saameyn weyn ku yeelan kara jiritaanka Bangiga Dhexe”, sidaas waxaa yiri mas’uul kale oo ka tirsan dowladda oo diiday in magaciisa lala wadaago saxaafadda.

Wuxuu intaas ku daray “waxaan ognahay in uu jiro dadaal beesha caalamka ay rabtay in la xoojiyo Bangiga Dhexe si loogu aamino hantida wadanka, hormoodna u noqdo soo celinta dhaqaalaha wadanka laakiin su’aashu waxay tahay, markey arkaan fadeexooyinkaan is daba joogaa, maku kalsoonaan karaan hey’adaha aduunku, iyo ganacsatada soomaaliyeed iyo shacabkuba qaab maamulka iyo mustaqbalka Bangiga Dhexe?”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com