Xildhibaan Puntlander ah oo sifo yaab leh ku qaaxay C/Weli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa si caro leh u dhaliilay Siyaasada Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Xildhibaan Burhaan Aw Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxwaynuhu uu si cad u jabiyay qodobada ku jira Dastuurka maamulka waxa uuna sheegay inay adag tahay in Puntland ay ka hirgasho sharciga, maadaama uu Madaxweynuhu ku dhiiranaayo baalmarka sharciga.

Xildhibaan Burhaan waxa uu sheegay in Madaxweyne Gaas uu la ganbanaayo in Baarlamaanka uu horkeeno Heshiisyada uu galo, waxa uuna tilmaamay in qodobkaasi uu waxbadan u dhimaayo sharciga, loona baahan yahay in il gaar ah lagu fiiriyo.

Xildhibaan Burhaan, waxa uu tilmaamay in mudada uu C/wali Gaas yahay Madaxweynaha maamulka uusan Baarlamaanka horkeenin wax Heshiis ah si loo meelmariyo, waxa uuna su’aal ka keenay waxa ay shaqada Baarlamanaka tahay marba haddii aan lasoo marineynin wixii loogu tallo galay in la mariyo sharciga.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan dhaqaale farabadan oo la musuq-maasuqa, hayeeshee Baarlamaanka loo diidan yahay in Madaxweynuhu ay kala xisaabtamaan qaladaadka uu sharciga moodo.

Musuqa uu sheegay Xildhibaan Burhaan ayaa waxaa kmaid ah Mushaaraadka shaqaalaha Maamulka oo aan si toos ah loo bixin.

Dhinaca kale, Gaas ayuu ugu baaqay inuusan sharci ka dhigin baalmarka sharciga uu ku hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com