Xog: Madaxtooyada Somalia oo kala shakisey kadib xog ay qortay Caasimada Online (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxiisa doorashada Faarax Cabduqaadir ayaa ku jahwareersan cidda dhiibtey warbixin lagu qorey Caasimada Onlin.

Warbixinta ayaa ku saabsabeyd in Faarax Cabduqaadir uu ku hanjabey shaqa ka burinta agaasimaha madaxtooyada Cali Balcad, iyo in la fujiyo boorarka musharaxiinta madaxweynaha kasoo horjeeda ee ku dheggan waddooyinka Muqdisho.

Faarax ayaa shaqada ka fariisiyey qaar kamid ah sawir qaadayaashii madaxweynaha ka qaadey sawirada boorarka ololaha madaxweynaha, kuwaasi oo ku cusbaa shaqada, iyada oo sidoo kalena shaki laga qabo qaar kamid ah shaqaalaha madaxtooyada ay bixiyaan xogta iyo qaladaadka ka jira Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo xildhibaan Faarax Cabduqaadir ayaa digniin kama dambeys ah siiyay shaqaalaha ololaha doorashada, iyada oo loogu hanjabey cidii xog sir ah la wadaagta warbaahinta ay la kulmi doonto cawaaqib xumo aysan kasoo kabsan, taasi oo aan la ogeyn waxa ay uga jeedaan.

Caasimada Online oo ilo-wareedyo aad muhiimah la iskuna haleyn karo ku dhex leh xafiisyada madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamanka, ayaan marnaba shaacin ilo-wareedyadeeda sababo amni dartood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com