Gaas oo ay heysato laba daran mid dooro kadib markii ay tallo ku xumaatay

Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa weli ka socda Madaxtooyada Somalia, kaasi oo aan wali laga gaarin wax is fahan ah.

Shirka ayaa la sheegayaa in inta badan Hogaamiyayaasha Madasha ay ka siman yihii qaadicida sad bursiga maamulka Puntland waxa ayna maamulada qaar soo jeediyeen in gabi ahaan la laalo Aqalka Sare.

Jahwareerka ugu badan ayaa ah Puntland ay hesho tiro ka badan tirooyinka ay maamulada dalka ka heleen Aqalka Sare waxaana arrintaasi si ganbasho la’aan ah uga hor imaaday Madxaweyne C/kariin Guuleed.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, ayaa ku adkeystay in tirada Puntland loogu kordhiyay aqalka sare horey go’aan looga gaaray islamarkaana aan hadda loo baahnayn in arrimo lagasoo gudbay dib loogu laabto.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in gabi ahaanba meesha laga saarayo aqalka sare ee Soomaaliya haddii xal loo waayo muranka madaxda, waxaaana go’aan laga sugayaa madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta looga fadhiyaa go’aan ku aadan Aqalka Sare, waxaana la sheegayaa in la hordhigay laba arrin mid kood inuu ogolaado tirro dhimis iyo inuu qanciyo maamulada kale ee qeybta ka ah Shirka Madasha Qaran.

Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu Hogaamiyayaasha usoo jeediyay in go’aanka uu yahya mid gacantooda ku jira maadaama ay aqlabiyada ugu badan ay kasoo horjeedan tirada Aqalka Sare laga siiyay Puntland.

Dhinaca kale, maanta oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in go’aan laga gaaro qodobada wali ay isku hayaan Hogaamiyayaasha Madasha Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com