Qaraxyo aad u culus oo ka dhacay Xadka kala qeybsha Somalia iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo culus ayaa la sheegayaa inay ka dhaceen Xuduudka kala qeybsha Somalia iyo Kenya kuwaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsanaa Milliteriga Kenya.

Qaraxyadaani ayaa la sheegayaa inay ahaayen kuwo is xigxigay waxa ayna goobjoogayaal sheegayaan inay arkayeen ciidamo farabadan oo goobta Qaraxyada bilqan.

Goobjoogayaashu waxa ay sidoo kale sheegen in Qaraxyada oo ahaa labo Qarax ay ku basbeelen gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM.

Goobta lagu beegsaday ciidamada ayaa la sheegay inay ku dhaweyd Goob ay Ciidamada Kenya dadka ku baaran oo ku taalla inta u dhaxaysa Magaalooyinka Baled-xaawo iyo Mandheera.

Dowlada Kenya weli kama aysan hadal Qaraxyada lagu baabi’iyay ciidamadooda iyo gaadiidkooda dagaal.

Ilaa hadda lama Oga Khaasaraha ay sababeen Qaraxyada lala beegsaday Ciidamada Dowladda kenya ee Xaduuda jooga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com