Madaxweyne Xasan oo qaatay go’aan adag oo lagu hakinayo….

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka ay DFS ku joojisay howlaha qaar ee ka socda Xafiisyada dowlada.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Ujeedka laga leeyahya hakinta shaqooyinka dowlada ay tahay inaan lagu xadgudbin Hantida Qaranka maadaama xiliga lagu jiro ay tahay xili kala guur ah.

Madaxweyne Xassan waxa uuu tilmaamay in hakinta shaqooyinka qaar ay maslaxad u arkaan waxa uuna cadeeyay inay dhicikarto in mas’uuliyiinta xafiisyada qaar ay ku dhaqaaqan fulinta howlo leysku khilaafsan yahay sidaa darteedna ay go’aan ku gaaren inay hakiyaan dhowlahaasi.

Go’aamada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa mudada lagu guda jiro xilliga kala guurka in Dowldda Soomaaliya aysan geli karin wax heshiis ah, sidoo kalena Magacaabis iyo Dalacsiin Mas’uuliyiin cusub aysan jiri karin.

Dhinaca kale, go’aankaani ayaa suuragalinkara in shaqsiyaad gaar ah ay sabab u noqdaan howlaha Qaran oo hakat ku yimaada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com