Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaruhu uu bilaabay inuu kala sifeyn hoose ku sameeyo shaqaalaha Xafiiskiisa ee uu ugu yimid.
Ilo wareedka ayaa kusoo waramaayo in R/W CCC uu ilaa iyo Seddex jeer isku dayay inuu kala diro shaqaalaha Xafiiskiisa, islamarkaana la yimaado shaqaale cusub oo jeebkiisa ah, iyadoona arrintaasi ay walaac ka muujiyeen Sodomeeyo shaqaale oo ka shaqeeya Xafiiskiisa.
Sarkaal kamid ah shaqaalaha Xafiiskiisa, ayaa inoo xaqiijiyay in R/W CC uu ka shakiyay shaqaalaha kadib markii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan xirtay saraakiil lala xiriirshay qaraxii hotelka SYL.
Waxa uu tilmaamay in taasi Xafiiska ay ka dhex dhalisay kala shaki, maadaama inta badan shaqaalaha xafiiska ay yihiin kuwii la shaqeyn jiray ra’iisul waaare Cumar Cabdirashiid.
Shaqaalaha qaar ayaa aad uga cabanaya habdhaqanka Siyaasadeed ee Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali, waxa ayna sheegeen la soo shaqeyn jireen Ra’isul wasaarayaashii isaga ka horeeyay, isaguna uu iminka ku dhiiranaayo inuu kala sifeeyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

