Xog: R/W Kheyre oo ku wajahan Ethiopia , xiili uu saaran yahay cadaadis siyaasadeed

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu labada bisha July uu socdaal kale ku tago magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, oo dhowr toddobaad ka hor un uu kasoo noqday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in socdaalka Kheyre uu salka ku hayo cadaadis siyaasadeed oo soo wajahay, islamarkaana uu asaga dalbaday inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, inkasta shirka Midowga Afrika magaciisa uu ku baxayo.

Kheyre, ayaa waxaa kusoo wajahan mowjado siyaasadeed, ayada oo la filayo in mooshin xil ka qaadis laga gudbiyo marka uu furmo kalfadhigga baarlamanka, sideedda bisha July, waxaana la sheegay inuu caawimaad ka raadinayo Ethiopia.

Waxaa jira tuhunno ku saabsan in mooshinkan ay ku lug leedahay Ethiopia, taasi oo Kheyre uu doonayo inay ka caawiso in la damiyo.

Mooshinka ayaa waxaa sidoo kale ku lug leh siyaasiyiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo xildhibaano badan ku leh baarlamanka, iyo Cumar Cabdirashiid, oo wakil ka ah dowladda Imaaraadka.

Imaaraadka, ayaa sidoo kale la tuhmayaa inay qeyb ka yihiin mooshinkan, waxaana maalmihii dambe Muqdisho laga dareemayey xildhibaano ku xiran Imaaraadka oo mooshinka gadaal ka riixaya.

Haddii Ethiopia ay ka caawiso Kheyre daminta mooshinka, waxaa taas ay ka dhignaan doonto, inuu si rasmi ah u noqon doono siyaasi ku xiran kana amar qaata Addis-Ababa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com