Xog: R/W Kheyre oo si deg deg ah ugu yeeray wasiirka ganacsiga iyo warshadaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia, Xasan Kheyre uu si degdeg ah ugu yeeray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Khadra Axmed Ducaale.

Wasiir Khadra Axmed Ducaale oo la sheegay inay safar uga maqan tahay dalka dibadiisa ayaa waxaa la faray inay si dhaqsi leh ay kusoo gaarto magaalada Muqdisho.

U yeerida wasiir Khadra Axmed Ducaale ayaa la xiriirta go’aankii ay ku kala dirtay rugta Ganacsiga Somalia, taa oo xiisad kicisay.

Kheyre ayaa doonaaya in warbixin ku saabsan kala dirida maamulka rugta Ganacsiga uu ka dhageysto wasiir Khadra.

Maamulka rugta Ganacsiga ayaa go’aanka lagu kala diray kadib baahiyay warqado fasax ah oo ay ka heysteen Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre.

Doraad ayey aheyd markii warqad kasoo baxday Xafiiska Wasaarada Ganacsiga lagu kala diray dhammaan maamulka rugta Ganacsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com