Magacyada wasiirrada ku bixi kara isku-shaandheynta iyo dadka lagu baddali karo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisulwasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu sameeyo isku shaandheyn cusub si uu Xukumadiisa uga bad baadiyo Mooshinka laga wado.

Waxaa jiro wasiirro si hor dhac ah loo hubo in ay wayn doonaa xilalkooda, fadeexado iyo waxyaabo kale duwan oo ay ku dhaceen awgeed.

Haddaba Akhriso magacyada wasiirrada laga yaabo in ay xilkooda waayaan iyo kuwa lagu baddali doono.

Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha, ( Majeerteen , Ciise Maxmuud), waxaa lagu badali doonaa Dr. Cabdi Saciid Majeerteen Cumar Maxamuud.

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hawiye, Habargidr, Ceyr, waxaa lagu badali doonaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur,  Hawiye, Habargidr, Ceyr.

C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka, Daarood Leelkasce, waxaa lagu badali doonaa Xil. Sadiq Warfaa. Daarood Leelkase.

Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada, Baadi Cadde, waxaa lagu badali doonaa Xildhibaan Maxamud Cabdiraxman Beene Beene Baadi Cadde.

Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, wasiirka wabarashads iyo tacliinta sare, Xawaadle, waxaa lagu badali doonaa Ex. Xil Cumar Maxamuud Finish.Hawiye, Abgaal, Wacbuudhan, Daa’uud.

  1. Xildhibaan Prof. Saalaim Caliyow Ibrow, Wasiirka Korontada iyo Biyaha, Digil, Jiido, waxaa lagu badali doonaa Dr. Cali Saciid Faqi Digil Tunni.

Eng. C/raxmaan Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta, Hawiye, Abgaal, Wacbuudhan, Daa’uud, waxaa lagu badali doonaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur. Abgaal Harti Abgaal.

Xildhibaan Shiikh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dir, Biyamaal, waxaa lagu badali doonaa Xildhibaan. Cabdiraxman Ibbi Dir Biyomaal.

F.G: xogtaan waa xog aan si hoose u helnay waxna way iska badali karaan, sidoo kalana xilalka hadda ay hayaan Mas’uuliyiinta waa is dhaafin doonaa.