Cosoble oo is baheysiyo qabiil iyo kacdoon ka billaabay Beledweyne

Jowhar (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa halkaa ka bilaabay kulamo uu la qaadanaayo siyaasiyiinta iyo waxgaradka.

Kulamada uu Cosoble kawado magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in looga gol leeyahay carqaladeynta maamulka HorShabelle kadib markii laga tuuray xilka maamulka.

Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Beledweyne ku qancinaaya in magaalada ay Xarun u noqoto maamulka HirShabelle maadaama lagu amray inuu ka baxo magaalada Jowhar.

Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa dadka deegaanka u sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay sabab u aheyd xilka laga tuuray, sidaa aawgeedna laga doonaayo inay ilaalsadaan xilkooda.

Waxa uu Cosoble siyaasiyiinta iyo waxgaradka u cadeeyay in maamulka HirShabelle uu isaga ka yahay Hogaamiye isla markaana la doonaayo in xarumaha maamulka loo soo wareejiyo magaalada Beledweyne.

Dadka deegaanka ayuu ka dalbaday inaysan la shaqeyn maamulka Jowhar, balse la doonaayo inay la shaqeeyan maamulkiisa oo uu sheegay inuu ka howlgali doono magaalada Beledweyne.

Waxa uu cadeeyay inuusan aqoonsan doonin maamulka Jowhar, balse uu aqoonsanaan doono kan iminka ka howlgali doona magaalada Beledweyne ee uu isaga Hogaamiyaha ka yahay.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayuu ku eedeeyay inay soo fara geliyeen Maamulka Hirshabeelle, isla markaana uu sabab u ahaa xil ka qaadidiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa bartamihii bishan kalsoonida kala noqday Hogaamiye Cosoble, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com