Wasiirada ku xad gudba shaqooyinka wasaaradaha kale oo kusii kordhaya DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya inay sii kordhayaan Wasiirada ka tirsan xukuumada Somalia ee ku xadgudba howlaha khuseeya Wasaaradaha kale.

Wasiirada eeda ugu badan loo jeedinaayo ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aan Wasaaradahooda laheyn tayada.

Wasiirada ugu badan ee aan sugneyn howlahooda isla markaana isaga talaaba howlahooda ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Difaaca.

Wasiirada ku magacaaban Wasaaradaha aan kor kusoo xusnay ayaa la sheegay inay yihiin kuwo intabadan isaga talaaba shaqooyinka, waxaana xusid mudan xiliyada lagu guda jiro Safaarada dibadda mid weliba uu ka hadlo howlo khuseeya Wasaarado kale.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa inoo xaqiijiyay inay jiraan dacwado dhowr ah oo gaaray Xafiiska Mr Kheyre kuwaa oo salka ku haya xadgudubyada ay Wasiirada qaar ku hayaan shaqooyinka Wasaarado aan khuseyn.

Dacwadaha ayaa ku-xeeran in Wasiirada qaar aysan ka xishoon howlaha aan khuseyn, waxaana jira xogo muujinaaya in arrintaasi lagu canaantay Wasiiro dhowr ah.

Wasiirada ugu badan ayaan laheyn Khibrado ku aadan shaqooyinka ay ku magacaaban yihiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in Wasiirada qaar aysan horay usoo qaban xil dowladeed.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ku mashquulsan sida loo kala maareyn lahaa Wasiirada iyo Wasaaradaha qaar ee wada shaqooyinka isku dhexyaacsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com