Xog: Sababta ay Itoobiya uga ‘cago jiideyso’ magacaabista wakiilkeedii Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa weli muddo ku dhow toban bilood soo magacaabin Wakiilkeedii u joogay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii ay ka badashay danjire Shamsudiin Axmed Rooble oo ahaa wakiilka xafiiska Itoobiya ee Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa todoba bilood ka hor warbaahinta u sheegay in dowladda Itoobiya ay si deg-deg ah usoo magacaabeyso Wakiilkeeda Hargeysa, oo loo arko inuu muhiim u yahay xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Wasiirka ayaa xiligaasi sheegay inay arrinta magacaabista Wakiilka kala hadleen Xubno sar-sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, walow aysan waxba iska badalin oo ilaa hadda uu xafiiskii Hargeysa ee Itoobiya uu yahay bilaa Safiir, isla markaana ay gebi ahaanba hakad gashay shaqadiisu.

Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, dowladda Itoobiya ayaa ka meer-meeraysa magacaabista wakiilkeeda Hargeysa, sababo la xiriira saaxiibtinimada dhow ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la leedahay, xili uu xiriirka Somaliland iyo Itoobiya uu hoos uga dhacay meeqaamkiisi hore.

Dowladda Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe xiriir fiican oo saaxiibtinimo la laheyd dowladda federaalka, taasi oo keentay in dowladad Itoobiya ay wax badan iska badalaan xiriiradii ay hore ula laheyd maamulada dalka.

Itoobiya ayaa u muuqata mid si weyn uga cago jiideysa inay Wakiil usoo magacowdo xafiiskeeda Hargeysa, oo muddo ku dhow toban bilood haawanaya, inkasta oo ay xukuumada Muuse Biixi ay sameysay dadaalo badan oo dib loogu soo magacaabayo Qunsul, haddana maaha kuwo miro-dhalay.

Xukuumada Farmaajo ayaa iyada inta badan lagu eedeyaa inay dowlada Itoobiya iyo ciidamadeeda u adeegsato dagaalka ka dhanka ah maamulada qaar ee ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasada, midaasi oo dhalisay xiisad hor leh oo ka dhex qaraxda Kenya iyo Itoobiya, maadama dowladda Kenya ay xulufo la tahay maamulada dalka qaarkood.