Xog: Sababta uu Farmaajo uga reebay Sabriye liiska xubnaha guddiga farsamo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa ka reebay Wasiirka arrimaha gudaha dalka liiska guddiga farsamo ee ka qeyb-galeyska shirka Dhuusamareeb-3, kaasi oo lagu wado in uu toddobaad kadib ka furmo caasimada Galmudug.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta madaxweyne Farmaajo uu wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye uga reebay liiskaasi ay tahay inay saaxiibo dhow ahaayeen ra’iisal wasaarihii xilka laga tuuray ee Xasan Cali Kheyre.

Sabriye ayaa ka mid ahaa wasiiradii sida xooggan uga horyimid riditaanka Xasan Cali Kheyre, waxaana tan iyo markaas uusan tegin dhowr kulan oo ay yeesheen golaha wasiirada.

Xogta ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Farmaajo uu ka cabsi qabo in loo dabo maro arrimaha doorashooyinka oo ay hore iskugu fahmi waayen Xasan Cali Kheyre, taasi oo keentay in xukuumadiisu ay meesha ka baxdo.

Golaha wasiirada ee xilka sii haya ayaa dhawaan ansixiyey xubnaha guddiga farsamada ee ka talo bixinta hanaanka doorashada dalka, oo qeyb ka aheyd heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb-, kuwaasi oo ka kala socday dowladda federaalka, maamulada dalka iyo gobolka banaadir.

Farmaajo ayaa si toos ah usoo magacaabay xubnaha dowladda federaalka ee guddigaasi, isagoona kusoo daray shaqsi ay saaxiibo dhow ahaan jireen Axmed Madoobe oo ay sanadihii u dambeeyay si weyn isku hayeen, inkasta oo heshiis hordhaca ah ay ku gaareen shirkii Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa xiligan u arka in aan loo dhaafin arrimaha doorashooyinka oo loo dabo fadhiisto , xili la fahamsan yahay in Villa Somalia ay waddo qorshe muddo kororsi ugu sameynayso Farmaajo.

Xaalka Soomaaliya ayaa u muddooyinkii udambeeyay u muuqday mid sii cakirmay, taasi oo ay keentay xiisada ka dhalatay doorashooyinka iyo tallaabooyinka Farmaajo ee xiligan kala guurka oo abuuray jahwareer siyaasadeed.