Kulank BF oo laga yaabo in si lama filaan ah loogu dhawaaqo muddo kororsi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in maanta ay yeeshaan kulan, kaasoo ka dhici doonto xarunta Golaha Shacabka Muqdisho.

Kulankaan ayaa ah mid walaac badan laga muujinaayo maadaama looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Olole ay ku doonayaan Muddo korosi, waxaana Xildhibaanada qaar ay sheegeen in ay rabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

Warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo in Kulanka maanta uu yeelanayo Golaha Shacabka laga qabo  tuhun ah inuu mar qura ajandihiisa is bedelo, si la mid ah qaabkii loo riday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ajandaha aan ku jirin markii codka kalsoonida loo qaadayay Xukuumaddiisa.

Ajandaha Maanta ee kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah Akhrinta koowaad ee Sharciga Dambiyada Galmada la xiriira sida lagu sheegay fariimaha uu guddoonka Baarlamaanka Xalay u diray Xildhibaanada.

25-kii bishii hore ee July ayay aheyd markii Xildhibaannada farriin qoraal loogu diray Ajandaha kulanka ka doodista Doorashooyinka 2020/21 uu mar qura isu bedelay kalsooni u qaadista Xukuumadda, waxaana durbadiiba si fowdo iyo buuq ku jira loo riday Xukuumaddii Ra’isulwasaare Kheyre.

Shirar gaar gaar ah oo maalmihii la soo dhaafay lahaayeen Xildhibaannada ayaa shaki weyn dhaliyay, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada ay sheegeen in Baarlamaanka bedeli kara oo kaliya uu yahay mid la soo doorto, iyagoo taageeray doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS oo ku guda jira kalfadhigii ugu dambeeyay muddo xil-heyntooda ayaa meelmariyay qodobo laf-dhabar u ah doorashada dalka gaar ahaan qof iyo cod.

Golaha ayaa sheegay in haatan dalka ay ka dhici karto doorasho dadweyne si looga gudbo mid dadban oo lagu soo dhigay Dowladda haatan talada heysa, waxaana ay si cad u sheegeen Xildhibaannada iyo Guddoonkooda in halis nafeed ka dhalatay ergada wax dooraneysa.

Qodobo dhowr ah ayay Aqrin, Dood iyo codeyn geliyeen, inkasta oo Golaha Aqalka sare BFS oo loo gudbiyo xeerarka iyo qodobada Golaha Shacabka mara ay waxba kama jiraan kasoo qaadeen ansixinta Aqalka Shacabka.

Guddoomisada Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa golaha u bandhigtay bilo dheeraad ah oo ku eg Agoosto sanadka soo socda 2021-ka oo haddii loo ogolaado ay ku hirgelin karaan Codeyn Dadweyne.