Xog: Sabriye oo qiray inay Galmudug ka dhismi la’dahay danaha gaarka ah ee DF

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa qiray in xaaladii ugu adkeyd ay mareyso dhismaha Galmudug islamarkaana uu wajahayo dhibaatooyin badan, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Wasiirka ayaa sheegay in uu dhaxda ka galay dano siyaasadeed oo is diidan kuwaas oo hoos u dhigay rajooyin badan oo la qabay, sidoo kalane dhismaha Galmudug geliyay in ay waqti dheer sii jiitanto.

“Waxaan xal ka dhax raadinayaa dano siyaasadeed oo is diidan kuwaas oo dhamaantood ku saleysan dan gaar iyo rabitaan shaqsi ama koox” ayuu Sabriye u sheegay siyaasiin iyo masuuliyiin degaanka u dhashay oo la kulmay, kuwaas oo la hadlay Caasimada Online.

Masuuliyiintan oo qaarkood ay ku jiraan Xildhibaano ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay waqti badan gelisay dhismaha Galmudug laakiin danaheeda gaarka ah ay wax kasta ka dhigeen fadhiid iyo in howshii ay socon weyso.

Jadwalkii ay soo bandhigeen Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug ee la xiriiray hannaanka ay u dhaceyso doorashada ayaa waqtigiisa la gudbay ayada oo aan waxba la qaban.

Jadwalka la shaaciyey bartimihii November ayaa qorshuhu ahaa in inta u dhaxeysa 25-28 November lagu xareeyo Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha Galmudug, isla markaana laga bilaabo 29 November illaa 9 December la soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

“Dowladda waxay Galmudug ka rabtaa in ay geysato rag ka shaqeeya soo laabashadooda doorashada 2021-ka waana sababta keentay in waxkasta ay socon waayaan” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Caasiamda Online.

In Galmudug laga helo madaxweyne daacadu ah Villa Somalia waa qeyb ka mid ah qorshaha dib u doorashada Farmaajo.

Madaxweynha oo hadda dhex taagan dagaal siyaasadeed oo uu la galay Puntland iyo Jubaland, ayaan huri karin maamul goboleed saddexaad oo aan isaga daacad u ahayn, waana caqabadda Galmudug ay ka dhismi la’dahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u beddeshay liiskii saxda ahaa ee odayaasha Galmudug, ayada oo la keenay odayaal ay wadato dowladda si ay usoo xulaan xildhibaano taageersan Villa Somalia, kuwaas oo kadib qorshuhu yahay inay soo doortaan madaxweyne daacad u ah Farmaajo.