Xog: SACIID DENI oo ku gacan seyray dalab kaga yimid R/Wasaare ROOBLE

Garoowe (Caasimadda Online) – Xog ay Caasimada Online ka heshay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in la isku mari waayey kulamadii xalay iyo saaka dhex maray madaxwyenaha Puntland Saciid Deni iyo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa, sida aan xogta ku helnay, ku gacan seeray dalab kaga yimid Ra’iisul Wasaare Rooble oo ahaa inuu magacaabo guddiga doorashada ee maamulkaas ee heer dowlad goboleed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa madaxweynaha Puntland ka codsaday inuu fuliyo qodobada weli ku harsan ee heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka 17 Bishii September ee sanadkaan, taasi oo ay ugu weyn tahay guddiga aanu weli magacaabin ee heer dowlad goboleed.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen shabakadda Caasimada Online, Saciid Deni ayaa diiday dalabkaas oo ahaa in marka hore uu magacaabo guddiga kadibna la isugu yimaado shir wada tashi ah oo kama danbays ah oo lagu turxaan bixinayo heshiiskii laga gaaray Doorashada Soomaaliya 17kii September.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxwyenaha Puntland ku cadaadinaya inuu guddigaas soo magacaabo si ay u suurta gasho doorasho ka dhacdo Soomaaliya ka hor 8-da February 2021.

Waxaa kaloo la sheegayaa in xubno ka mid ah Beesha caalamka ay cadaadis ku saarayaan Madaxweyne Saciid Deni inuu tanaasul mug leh sameeyo, islamarkaana soo magacaabo xubnaha Gudiga Doorashada Puntland.

Waxaa la filayaa in labada dhinac ay mar kale yeeshaan kulamo lagu xalinayo ismari waaga ka taagan soo magacaabista guddiga doorashada Maamulka Puntland.