Riyaadh (Caasimadda Online) – Wafdi heer-Wasiir ah oo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan gaaray magaalada Riyaadh ee caasimadda boqortooyada Sacuudi Carabiya kuwaas oo raadinayey dhaqaale malaayiin dollar ah oo horay Xukuumada Riyaadh ay u balan qaaday in ay siineyso DF Soomaaliya.
Wafdigan oo ay hogaaminayaan ugu yaraan lix wasiir oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ay gaareen magaalada Riyadh waxaa halkaas ku soo dhaweeyey wafdi heer-hoose ah oo ka socday gobolka Riyaadh iyo xubno ka tirsan sirdoonka Xukuumada Aala-Sacuud sida lagasoo xigtay Masaadir Sacuudiyaan ah.
Soo dhaweyn kadib, Saraakiisha Xukuumada Aala-Sacuud ayaa wafdiga DF Soomaaliya ka dalbaday in ay xiriirka u jaraan dowlada Qadar oo waayadii dambe wajaheysay cadaadis xoogan oo kaga imaanayey dowladaha Khaliifka ee Sacuudiga uu hogaamiyo.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu dalbaday in marka hore lasiiyo dhaqaalihii loo balanqaaday kadibna ay qaadan doonaan go’aaanka xiriirka loogu jarayo dowlada Qadar, Sababtoo ah ilaa hadda waxaa dowlada Sacuudiga aysan bixin ugu yaraan 50 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah oo ay u balan qaaday Soomaaliya markii xulifada Sacuudiga ay xiriirka u jarayeen dowladda shiicada iiraan bishii Janaayo sanaddii 2016.
Sidaas darteed wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu dalbaday in marka hore lagusoo wareejiyo dhaqaalaha, go’aanka xiriirka loogu jarayo dowlada Qadarna ay qaadan doonaan marka ay dib ugu noqdaan wadanka.
Arintan ayaa la sheegay in loo celiyey boqorka Xukuumada Aala-Sacuud kaas oo lagu wargeliyey in wafdigu ay diyaar u yihiin in ay xiriirka jaraan balse ay doonayaan in lacagta lagu soo wareejiyo, Boqor Salmaanka Aala-Sacuud ayaa gaashaanka u duruuray arrintaas, islamarkaana sheegay in aanan hal dollar lasiin doonin wafdiga dowladda ilaa xiriirka kaga jarayaan Qadar taas oo ku adkaatay wafdigii Dowladda Farmaajo madax ka yahay,
Tani waxay keentay in wafdiga DF Soomaaliya ay dib ugu soo noqdaan wadanka ka dib markii ay waji-gabax kala soo kulmeen Xukuumada Aala-Sacuud, lamana oga haddii ay go’aankooda wax ka badali doonaan iyo haddii ay mowqifkooda ku taagnaan doonaan.
Nin lagu magacaabo Ghaanim Ad-Dowsari oo ah nin Mucaaradka Aala-Sacuud ka mid ah oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Xukuumada Aala-Sacuud ay soo ceyrisay wafdigii Dowlada Soomaaliya, ayna u diiday wax dhaqaale ah illaa ay xiriirka kaga jaraan Qadar.
“Sacuudi Carabiya waxay Dowlada Soomaaliya u diiday in ay siiso taageero dhaqaale ilaa ay ka jareyso xiriirkeeda Qadar” ayuu ku yiri qoraal uu ku soo qoray bartiisa Twitterka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Sacuudi Carabiya waxay wafdigii Soomaaliya ku tiri: Xiriirka u jara Qadar, waan idiin siineynaa wax waliba oo aad dooneysaan”.
Waxaa xusid mudan in dowladda Qatar ayaa kaalin weyn ku laheyd doorashadii Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo ay lacago malaayiin dollar ah ku bixisay waxaana arrimaha Soomaaliya wakiil uga ah nin lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay Agaasimaha guud ee Villa Somalia.
Qadar ayaa marwalba galaangal ku leh siyaasadda Soomaaliya waxaa laxusuustaa kaalinteedii maamulkii Xasan Gurguurte heer ay codsan jirtay in siyaasiyiin iyada ka wakiil ah wasiiro laga dhigo.
Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com