Xog: Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo cadaadis weyn wajahaya

Washington DC (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa wajahaya cadaadi xooggan oo gudaha dalka Mareykanka uga imanaya, xilli siyaasiyiin iyo ururo miisaan leh ay ku hayaan dagaal siyaasadeed.

Kooxahan ayaa waxaa hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo xagjir ah, oo badankood ka shaqeeya machadyada siyaasadda sida machadka  American Enterprise Institute iyo machadka The Atlantic Council, kuwaas oo aad u dhaliisaln siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka ee Soomaaliya.

Michael Rubin oo madax ka ah American Enterprise Institute ayaa wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ku dhaliilay inay fadhiid noqotay oo siyaasadda Geeska Afrika looga badiyey.

Waxa uu sheegay in ayada oo Shiinaha ay kusii xogeysanayaan Jabuuti iyo Ethiopia ay dowladda Mareykanka dhabarka xajisay Somaliland, oo uu ku qeexay “nidaamka kaliya ee dimoqraadi ah ee ka jira Geeska Afrika”,  islamarkaana ay tagaeereyso dowladda federaalka oo uu ku sheegay “mid aan waxtar lahayn.”

Rubin iyo shaqsiyaadka la midka ah ayaa soo jeediyey in Mareykanka uu ergey u magacaabo arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, gaar ahaan madaxa ururka Atlantic Council ee ku fikirka ah Rubin, islamarkaana iminka ah ergeyga Mareykanka ee dalalka la isku yiraahdo African Great lakes, John Peter Pham oo loo yaqaan J. Peter Pham.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
caasimada@live.com