Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha nabad-sugiida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa laga yaabaa inuu xilka ka tago, kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Onine.
Xubnaha ku dhow Kheyre, ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafkan uu salka ku hayo waqtiga uu xilka haynayo Sanbaloolshe, kadib markii taliyaha nabad-sugidda uu dalab yaab leh hordhigay Kheyre.
Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu doonayo in Kheyre uu u saxiixo, warqad uu ku caddeynayo inuu xilka uu hayn doono afarta sano ee dowladda ay joogeyso, haddii aan sidaas loo sameynna uu is-casili doono.
Sanbaloolshe oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa la doonayaa inuu xilka xildhibaannimo baneeyo, waxaana uu doonayaa inuu damaanad u helo xilka uu NISA ka hayo, si uu xildhibaannimada u baneeyo.
“Sanbaloolshe ma doonayo inuu xildhibaannimada ka tago, haddana bilo kadib xilka NISA laga qaado” Waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay xubno isaga ku dhow.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu ku gacan seeray dalabka Sanbaloolshe, isaga oo ku adkeystay in xitaa uu xilkiisa damaanad qaadneyn, sidaas darted aanu marnaba damaanad qaadi karin xil kale.
Xubno Kheyre ku dhow ayaa Sanbaloolshe ku eedeeyey in kalsooni darro ay hayso.
Lama oga halka ay ku dambeyn doonto arrintan, waxaana weli socda wada-hadal, ayada oo Sanbaloolshe uu ku hanjabayo inuu xilka ka tagi doono oo uu xildhibaannimadiisa haysan doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]