28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Safiirka Mareykanka oo war culus kasoo saaray mooshinka ka dhanka ah Kheyre

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Stephen Schwartz ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda 1da Luulyo u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ka digay in la carqaladeeyo xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in uu arkay horumar la taaban karo oo ay sameynaysay dowladda Soomaaliya tan iyo intii loo soo magacaabay balse ay caqabad ku noqdeen argagixiso, macluul, dakhli yari iyo unugga caddaaladda oo aad u liita.

Warkan ay soo saartay dowladda Mareykanka ayaa kusoo beegmay xilli olole iyo mooshin ka dhan ah xukuumadda Khayre ay wadaan xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Shacabka, iyada oo lagu eedeynayo in ay dabada ka riixayaan dowladdo shisheeye oo ay ka go’antahay in rajada shacabka Soomaaliyeed la wiiqo.

“Dowladda Mareykanka waxay aaminsantahay in Xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay dhab ka tahay in ay Soomaaliya gaarsiiyaan nabad, dib u heshiisiin iyo shaqo abuur loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed. Annaga iyo qaar badan oo kamid ah beesha Caalamka waxaan si dhaw ula shaqeynaynaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo hormariyo nolosha dadka Soomaaliyeed.”

“Inkastoo ay muhiim yihiin guulaha kooban ee la gaaray, haddana horumar waara oo dhab ah waxay u baahantahay dadaal iyo joogteyn sanado badan socda kaasoo lagama maarmaan ay tahay in Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ay ka wada qeyb qaataan.”

“Hormurkaas waa in aysan minja xaabin muwaadiniinta iyo kooxaha doonaya in ay ka faa’iideystaan maamul xumada iyo fal-dambiyeedyada, kuwaas oo ka cabsanaya sarreynta sharciga iyo isla xisaabtanka.”

Danjire Schwartz ayaa tilmaaay in shaqooyinka horyaalla dowladda ay yihiin kuwa aad u fara badan balse laga gun gaari karo. Wuxuu yiri “Dhibaatooyinka soo maray Soomaaliya ma aha wax lagu xallin karo hal sano iyo afar sano toona, laakiin waxaa la sameyn karaa dhagax dhiggii guusha inta ka horreysa 2021. Taasi waxay u baahantahay dulqaad iyo in laga shaqqeeyo danaha fog ee Soomaaliya.

Mudane Scharwtz ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in ay dadka Soomaaliyeed feejignaadaan, ayna la xisaabtamaan dowladdooda iyo barlamaankooda  si ay uga shaqeeyaan masaalixda dadkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News