Xog: Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarad militari Baydhaba uga qaaday Lafta-gareen

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay gaaray dalka Itoobiya, kadib kulamo ka dhacay magaalada Baydhaba oo fadhi u ah maamulkiisa, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiil Itoobiyaan ah, oo uu hoggaaminayey Jeneral Tesfaye Ayalew oo toddobaadkan ku sugnaa Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Baydhaba, iyagoo kulamo xasaasi ah kula yeeshay Madaxweyane Laftagareen.

Kulamadaas kadib diyaarad militeri ayaa loo soo diray Laftagareen, taas oo Jimcihii ka dejisay magaalada Godey ee gudaha Itoobiya, halkaas oo saraakiil kale iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya uu kulamo kula yeeshay.

Ma cadda waxa rasmiga ah ee looga hadlay kulamada, hase yeeshee maamulka Lafta-gareen ayaa laga soo xigtay inay la xiriiraan amniga xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay xuduudda gobolka Bakool ka weerareen Itoobiya.

Isku soo dhowaanshahaan ay muujinayaan Laftagareen iyo Itoobiya wuxuu ku soo aadayaa iyadoo uusan wanaagsaneyn xiriirka hoggaanka Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya, tan iyo markii uu xafiiska yimid madaxweyne Xasan Sheekh.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuusan ku faraxsaneyn in dowladda Soomaaliya ay wasiir u magacowday Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, sidoo kalena uu wajahayo cadaadis kaga imanaya siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka oo isbaheysi kaga dhwoaaqay Muqdisho.

Sidoo kale kulamadaan ay Itoobiya la yeelaneyso Madaxweyanaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay ku soo aadayaan xilli kooxda Al-Shabaab ay ka dagaalameyso gudaha Itoobiya.

Dagaalka Al-Shabaab iyo Itoobiya ayaa saameyn weyn ku leh xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxayna taasi ka mid tahay sababaha kalifay kulamadaan ay Itoobiyaanku ugu yeereen Lagtagareen.

Xurguf siyaasadeed oo salka ku heysa isbedalkii hoggaamineed ee dalka ka dhacay ayaa Laftagareen kala dhaxeysa madaxda dowladda federaalka, maadaama uu xusul duub adag ugu jiray intii ay socdeen doorashooyinku, sidii uu xukunka ugu soo celi lahaa Madaxweynihii laga guuleystay Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa walwal badan ka qaba xubnaha maamulka uu hoggaamiyo ku metelaya xukuumadda cusub, kuwaas oo ay ugu horeeyaan Mukhtaar Roobow oo ku dhowaad afar sano Muqdisho ugu xiraa siyaasiyiin uu Laftagareen ku jiro iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed oo doorashadii baarlamaanka uu ka reebay.