Sade vs Kablalax: Maxay salka ku haysaa diidmada Mareexaan ee golaha wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa baartiaan ku sameysay sababta ay kuraasta laga siiyey golaha wasiirrada uga cabaneyso Beesha Mareexaan, oo siyaasiyiin u dhashay ay sheegeen in xuquuqdii ay ku lahaayeen xukuumadda aysan ka helin.

Ugu horeyn waxaan ogaanay in beesha Mareexaan ay xukuumadda cusub ka heshay seddax kursi oo kala ah, wasiirka amniga gudaha, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle.

Sida aan ogaanay, beesha Mareexaan sababta ay cabashada uga keentay kuraasta la siiyey, waxay salka ku heysaa dood iyo sad-bursi ka dhex taagan beelaha Daarood, gaar ahaa saddaxda ugu waaweyn ee kala ah Mareexaan, Majeerteen iyo Ogaadeen.

Mareexaanku waxay ku doodayaan in qoondada Daarood uu ku leeyahay xukuumadda loo qeybsado ‘dhalyo’ tusaale in wax la isugu daro Kablalax oo la isku yiraahdo beelo ay ugu waaweyn yihiin Ogaadeen iyo Majeerteen iyo beesha ‘Sade’ oo ah Mareexaan.

“Dooda uu qabo Mareexaanku waa hadii Kalbalax oo la isku yiraahdo Ogaadeen iyo Majeerteen la siiyey kursigii Ra’iisul Wasaaraha, waa in kursiga wasiirka arrimaha dibadda ee ku soo aaday Daarood, ahna kan ugu sarreeya kuraasta Daarood ay ka heleen golaha wasiirada la siiyo Mareexaan,” sidaas waxaa Caasimada Online u sheegay masuul kasoo jeeda beesha Mareexaan.

“Xaq ma ahan in Kablalax isku darsado ra’iisul wasaare iyo wasiir A ah,” ayey ku doodeen xubnaha aan la hadalnay.

Qoraal ay si wadajir ah shalay u soo saareen labada madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland iyo Galmudug oo ka soo jeeda beesha Mareexaan, ayey ku qaadaceen kuraasta ay beeshu ka heshay xukuumadda cusub, iyagoo ku dooday in Mareexaan la duudsiiyey xaqoodii awood qeybsiga kuraasta wasiirrada cusub.