Ma dhabbaa in dhinac kamid ah dhinacaydii isku hayey masjidka Quba Amsterdam ay guuleysteen? (Warbixin)

Waxaa dhowaan soo baxay warar sheegaya in 2-dii dhinac ee isku hayay  maamulka masjid QUBA oo ah masjid ay Soomaalidu leedahay, kuna yaalla bartamaha magaalada Amsterdam ee waddanka Nederland in dhinacii ku haray masjidka ay sheegteen in ay ku guuleysteen dacwadii kala dhexeysay Shiikh Suldaan Gasle oo muddo ka badan 1 sanno masjidka dibed-joog ka ahaa. 

Khilaafkan, oo walaac fara badan ku hayay Soomaalida ku dhaqan Holland & dunidda dacaladeeda, ayaa ahaa mid muddo dheer soo jiitamayay, inkastoo uu bannaanka yimid bishii Maarso ee sannadkii hore markii ciidamo boolis ah oo gudaha u soo galay masjidka ay  amar ku siiyeen iimaamkii & guddoomiyihii maamulka masjidka Shiikh Suldaan Gasle inuu isaga baxo masjidka, waxay arrintaasi ka dambeysay markii labadii xubnood ee ka kala tirsanaa maamulka oo ay wehliyaan dadkii masjidka qaadumka ka ahaa ay isku dhinac noqdeen, Shiikhiina uu keligii dhinac noqday.   

Dad Soomaali ah oo ka gadoodsanaa in Shiikha masjidka bannaanka lagaga saaro ayaa maalinkaasi soo buuxiyay afaafka masjidka, waxayna xoog ku galeen gudaha masjidka, buuqii halkaasi ka dhashay ayaa sababay in boolisku soo gaaraan masjidka.   

Guddi odayaal, waxgarad & culumaa’udiin ah oo fadhigoodu yahay Magaalooyinka Eindhoven & Tilburg oo khilaafka culimada ku soo baxay ayeey labada dhinac aqbaleen in ay u kala dabqaadeen; iyada oo guddigu muddo 4 billood oo ay howsha dhexdhexaadinta ku soo jireen, kaddib ay shir isugu yeereen jaaliyaddaha Soomaalida halkaas oo ay ka caddeeyeen in ay u arkaan in ragga masjidka ku haray ka gar leeyihiin Shiikh Suldaan, hasse ahaatee Shiikh Suldaan ayaa maalmo ka hor kulanka wuxuu shaaciyay inuu guddigaasi kalsoonidii kala laabtay.  

10-kii bisha Febraayo ee sannadkan maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ayaa dhageysatay dacwadii u dhexeeysay saddexdii xubnood oo sharci ahaan ugu qornaa maamulka masjidka, saddexdaas xubnood oo kala ahaa:  

Shiikh Suldaan [Guddoomiye]
Guuleed Wayrax [Lacag-haye]
Abuu-Khadiija] [Xog-hayn] 

Axmed Turjubaan oo ka mid ah shaqsiyaadka ku dhow dhow Shiikh Suldaan Gasle, oo aan la xiriiray ayaa weydiiyay waxa ka jira in Shiikha lagaga guuleystay dacwadda.   

“Nidaamka dalkani waa mid iska daba jiitama. Maxkamad baad marka hore qaadaneysaa ama waa guuleysaneysaa, mar na adigaa lagaa  guuleysanayaa, mar walba waxaa furan racfaan, maxkamada 2-aad waa saddex xaakim, waxaa halkaas ka furan in la isweydiiyo maxaa qaldamay.? Haddii aysan waxba qaldamin qoladii hore ayeey ku raacayaan, haddii ay wax qaldameena way saxayaan.?  racfaan kale ayaa furan oo ah albaabkii ugu dambeeyey. Nederland albaabka ugu horeeya marka aad ku guuleysato, guul ma sheegan kartid.”ayuu yiri Axmed Tarjubaan, wuxuuna intaasi raaciyay in 3 jeer oo hore Shiikhu guuleystay balse aysan sheegin in laga guuleystay. 

“Tan waa guuleysanay ay leeyihiinna, Shiikhu racfaan buu ka qaatay.” ayuu yiri Turjubaan, wuxuuna intaasi sii raaciyay:   

“3 jeer oo guul darro ah ayeey ka qabaan xaga KVK, guushii ugu dambeeysay ee Shiikha la siiyay waxay aheyd bishii July oo lagu soo diiday waxay doonayeen. Guul-darradaasi ma sheegayaan way qarinayeen, maxay u qarinayaan.?” . 

Axmed Turjubaan waxaan weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in mid ka mid ah ragga masjidka u qidmeeya maxkamadda lagu dacweeyay oo la yiri: wuxuu gacan saar la leeyahay qolyo lagu tilmaamay xag-jir in ay yihiin, arrintaas oo ay si weyn uga caroodeen Soomaalida, wuxuuna ku jawaabay:  

“Taasi wax weyn kama jiraan, waxaan xasuustaa maalmihii uu Shiikh Shibli hadlay ayaa garyaqaankii Shiikhu wuxuu soo arkay in waddaadkaasi waddankan horay lagaga saaray, markaas buu yiri: nimankani waxaa ka dambeeya nin waddanka laga saaray oo xagjir ah, hadalkaasi Shiikhu ma oran ee waxaa yiri Garyaqaankiisii. Shiikh Suldaan marna ma oran qof xagjir ah baa meesha jooga, afkiisa lagama hayo arrintaas  been bay ka sheegayaan Shiikha”  

Wuu sii hadlay Axmed Turjubaan mar kale, wuxuuna sheegay in bini’aadam mar hadduu is qabto qof cabsi ku jirto mooyee dadku waxay doonaan bey sheegi karaan. Dhaqanka Soomaalida ayaa iska ah; qaniinya qaniinyaa kaa fujisa,  in cabsida ALLE loo noqdo waa wanaagsan tahay, Shiikhuna ma aha nin ku degdegaya arrimaha ceynkaas ah.    

Axmed Turjubaan, waxaa kale uu sheegay in Maxkamaduhu badan yihiin, ayna jidka ku soo jiraan kuwa hor leh.  

“Maxkamaduhu way badan yihiin, xaalku ma ahan  waa guuleysanay oo meesha waa lagu kala tegay. 4 ilaa 5 maxkamad ayaa soo socota maxay dadka ugu sheegi doonaan kuwaas na” Ayuu yiri Axmed Turjubaan, isaga oo intasi ku daray in bilaha soo socda oo ay ugu horreeyso Oktoobar in ay maxkamadi jirto. 

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno xubnaha masjidka ku haray waana ay inoo suurtageli weysay.  

Mid ka mid ah culumaa’udiinka masjidka ku xiran, ee degan Magaalada Amsterdam oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in ay nasiib darro ku tahay magaca & qiyamka Soomaalida in masjidkii Soomaalidu dhisatay guddigii maamulkiisa loo dhiibay in ay maxkamad isla tagaan, oo ay gaalo u kala qaado.  

“Shiikh Suldaan waa keligii. Soomaalidu waxay tiraa; Wadar & Waaxid yaa waalan.?  Shiikhu, hadduu saxan yahay siddeey ku dhaci kartaa in waddaadkii macalim-ka & iimaamka ahaa 25-ka  sanno la waayo waddaad ama qof soo garab istaaga oo yiraa Shiikha waa laga qaldan yahay.? Anigu waxaan kula talinayaa Shiikh Suldaan inuu maxkamada ka laabto, uuna qaato taladii ay siiyeen culimadii uu ka mid ahaa Shiikh Shibli, ragga masjidka ku haray haddii ay talo qaadanayaan in aysan qaadaneyn waaba cadahaye, waxaan oran lahaa masjidku ma ahan “bedrijf” aad leedihiin, masjidka taladiisa waa inaad ummadda wax kala wadaagtaan, anigu haddaan ALLE ka cabsi u hadlo 30 sanno ayaa deganahay Amsterdam masjidkaasi uma hayo dadka hadda maamulkiisa haya dad ka fiican, ee iyaga ayaa waxa laga doonayaa in ay ummadda kale talada wax ka siiyaan” Ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Soomaalida oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso. 

Waddaadku, waxa  uu sheegay inuu ku talinayo  in wax kasta oo kale laga hormariyo maslaxada ummaddu ay ku qabaan masjidka.