Xog: Saraakiil iyo ciidamo ka amar qaata Guudlaawe oo ku sugan Beledweyne 

Beledweyne (Caasimada Online) – Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan gaaray, welina ku sugan saraakiil ka baxay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle iyo ciidamo ka amar qaata madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ciidamada ka baxay Jowhar ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha booliska HirShabeelle oo ay qaraabo yihiin Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Sidoo kale waxaa kaamirada ka soo muuqday agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo ku libisan dareeska ciidamada, iyadoo ay saraakiishaan ciidan loo geeyey Beladweyne qorshe awood ciidan loogu geyn lahaa madaxweyne Cali Guudlaawe.

Si kastaba, qorshahaas ayaa waxaa xalay fashiliyey ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan oo la wareegay gacan ku haynta magaalada.

Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan qeybta 27-aad ee Militeriga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan ciidanka daraawiishta HirShabeelle.

Ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Beladweyne ayaa Caasimada Online xaqiijiyay in ciidankan ay ka hortagayaan qorshe la rabay in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geeeyo magaalada, taasoo ka dajin laheyd xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay.

Ma cadda hadda halka ay ku dambeeyaan saraakiishii iyo ciidankii uu diray Guudlaawe, iyo sidoo kale ciidamadii horey magaalada u joogay ee maamulka HirShabeele.