Xog: Saraakiil DFS ka joogay Ugandha oo godood sameeyay kaddib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoray Wargeyska The New Vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala, in ka badan 30 ka mid ah Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Dowladad Federalka oo uu tababar uga socday dalka  Uganda ayaa dhigay dibadbax ay kaga cabanayeen Qabanqaabiyayaasha Tababarka siinayey.

Saraakiishaasi oo Tababar dhinaca Sharuucda Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha ku qaadanaysay Hotelka loo dalxiis tago ee Commonwealth Speke Resort Munyonyo ayaa waxaa cabashadooda soo dhex galay Danjiraha Somalia u jooga dalka Uganda,  Ambasaador Sayid Ahmed Dahir.

Saraakiisha iyo Danjiraha ayaa qaatay kulan albaabadda u xirnaa oo socday muddo labo saacadood, waxayna Saraakiisha u gudbiyeen cabashadooda, waxayna codsadeen inay Qabanqaabiyayaasha Tababarka caddeeyaan ballanqaadyo aan loo fulinin, kharajkooda safarka iyo tas-hiilaad kale oo daruuri u ah Tababarkooda.

Waxay ka codsadeen Danjiraha inuu arrintooda wax ka qabto, ka hor inta uusan ka tegin goobta tababarka iyo inuu tixgeliyo codsiyadooda.

Danjire Sayid Ahmed Daahir iyo K/S Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Lydia Wanyoto ayaa u shegay Wargeyska The New Vision  inay Saraakiishu ka cabanayeen dhibaato dhinaca Maamulka, lana xaliyo cabashadooda.

Waxay xuseen inay qaar ka mid ah Saraakiisha ka cabanayeen dhibaatooyin ay kala kulmeen safarkooda Nairobi oo ay ku yimaadeen magaalladda Kampala.

Dhinaca kale, Saraakiishaasi dhamaystay tababarka, ayaa lagu wadaa inay dhawaan ku soo laabtaan magaalladda Muqdisho, iyadoo Tababarkaasi laga soo siiyey qalab iyo farsamo la xiriirta habka loola dhaqmo dadka rayidka

Xigasho: New Vision

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com