Xog: Amisom oo mushaarkii laga jartay

Kampala (Caasimada Online) – Wargeyska The Observer ee ka soo baxa caasimadda Uganda ee Kampala, ayaa qoray in ay qaar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee Amisom ku jira lixdii bilood ee la soo dhaafay la siinin xuquuqda mushaarkooda.

Askari kasta oo ka tirsan Ciiddanka UPDF ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa uu bil kasta mushaar ahaan u qaataa lacag dhan 1,028 dollar.

Xildhibaanka laga soo doorto Koonfurta Degmadda Kigulu, Milton Muwuma ayaa sheegay inay la soo xiriireen dhowr ka tirsan Ciiddanka qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo walaac xooggan ka muujinayo mushaar la’aanta haysata ciiddanka UPDF.

“Markii la diiwaan-geliyey dhowr walaac oo ka imaanayo Askarteenna ku sugan Somalia, tani waa qoddob loo baahan yahay inay Saraakiisha Taliska UPDF iyo kuwa Wasaaradda Difaaca tafaasiil ka bixiyaan xilliga ay hor iman doonaan ka hor Kulanka Guddiga Difaaca iyo Amniga Gudaha yeelanayaan maalinta berrito oo Khamiis ah” ayuu yiri Xildhibaan Milton Muwuma.

Wargeyska The Observer waxa uu qoray inay Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhiga Uganda lagu wado inay la kulmaan Guddiga Barlamaanka ugu qaabilsan Difaaca iyo Ammaanka Gudaha si ay u difaacaan Miisaaniyadda Wasaaradda Gaashaandhigga ee sannadaha 2014 – 2015.

Taliyaha Ciiddanka Difaaca Uganda, General Katumba Wamala ayaa sheegay inaysan iyagu mas’uul ka ahayn mushaaraadka ka daahay ciiddanka Uganda ee ka hawlgala Somalia, wuxuuna ku dooday inaysan jirin wax lacag ah oo lagu soo wareejiyey.

General Wamala waxa uu tilmaamay inay Ururka Midowga Afrika (AU) maamulaan Ciiddamadaasi, isla markaana looga baahan yahay inay ciiddamadda siiyaan xuquuqdooda.

“AMISOM ma aha Hawlgal Uganda, waxaa maamula Midowga Afrika “AU”-da oo haddii aysan mushaaraadka bixinin, ma aha inaan annaga bixino” ayuu yiri Sarkaalkaasi, oo intaasi ku daray inay Midowga Europe bixiyaan lacagaha Askarta AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo tiradoodu dhan tahay 6, 200 Askari ayaan wax mushaar ah la siinin tan iyo bishii February ee sannadkan, iyadoo celcelis ahaan Askari kasta ka maqan tahay lacag dhan 6,168 Dollar.

Xigasho: The Observer