Guriceel (Caasimada Online) – Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal” oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho ayaa u baxsaday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ee uu dhalasho ahaan kazoo jeedo..
Wararka ayaa sheegay in Cabdi Waal uu gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaddib markii uu ka cararay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Cabdi waal ayaa la sheegay in magaalada Guriceel uu ku gaaray safar dhanka lugtaa ah, inkastoo lala yaaban yahay sida uu ku maray wadada xariirisa Muqdisho iyo Gobollada dhexe ee dalka.
Warkan, ayaa waxaa soo weriyey weriye ka tirsan idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, oo jooga Gal-Gaduud.
Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in Cabdi Waal uu gaaray Guriceel, galinkii hore ee maanta.
Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal, ayaa dhawaan ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya waxaa ay ku weerareen magaalada Muqdisho, iyadoona ujeedka weerarkaasi uu ahaa in hub ka dhigis lagu sameeyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho