Dhageyso: C/Weli Gaas oo ka jawaabay hanjabaaddii General Cabdi QEYBDIID

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii hoggaamiyaha Gal-Mudug Cabdi Xasan Cawaale ”Qaybdiid” ee ahaa ”Fad ama hafadin waa lagu fadsiin”.

Gaas, ayaa sheegaya in hadalkaas uusan ahayn kaliya ahayn hanjabaad ka timid Qeybdiid, balse sidoo kale madaxda DF ay ku taageersanaayeen, maadama uu ka jeediyay heshiiskii lagu saxiiyay 11 qodob ee lagu dhisayo maamulka, Mudug iyo Gal-Gaduud, kaasi oo ka dhacay Villa Somalia.

”Waxyaabaha caajibka ah waxa ay ahayd markii heshiiska la saxiixayay ragga qaarkood way hadlleen waana goodiyeen, Cabdi Qaybdiid waad dhagaysanayseen wuxuu yiri ‘fad ama hafadin waa lagu fadsiin’, marka uu hadalka saa lee yahay saaxiibkay waxaan is lee yahay warkaasi wuxuu ahaa gardaro garob og, marka Puntland iyadu cidna ku xadgudbi mayso, laakiin way xisaabtamaysaa” ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa sheegay inaysan marnaba raali ka noqon doonin cid gaar ah inay iska maamulato wax la wada lee yahay oo umadda Soomaaliyeed ka dhaxeeya, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo ula jeeda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Cabdi Weli Gaas

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com