Interpol oo baadi-goobeysa Soomaali geysatay WEERAR cuslaa oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaal la soo dhigay Barta YouTube ayaa waxa ka muuqday iyadoo ay Burcad-baddeed u muuqaal eg Soomaalida ay toogteen afar Kallumeysato u dhalataya Jesiiradad Fiji.

Hadal ka soo baxay Boliska Fiji ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo dilka Kalluumeysatadaasi.

Waxay ka codsaday Boliska Caalamiga (INTERPOL) inay gacan ka geystaan sidii loo baari lahaa Muuqaalkaasi muujinaya dilka Kalluumeystadaasi, kadib, markii ay Burcad-baddeeda ku fashileem inay afduubtaan dooniad ay Kalluumeysatadda la socdeen.

Barta YouTube ayaa lagu sheegay in Kalluumeysatadda lagu dilay meel ka baxsan Badda Fiji.

Kalluumeystaadda la socotay dooniadaas ayaa la sheegay inay ku hadlayeen Luqadda Mandariyaan, iyadoo Telefishinka New Zealand sheegeen in codadka laga maqlay YouTube muujinayaan inay Kalluumesyatadda u kala dhasheen Vietnam iyo Thailand.

Guddoomiyaha Ururka Milkiilayaasha Doonyaha Fiji, Graham Southwick ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Muuqaalkaasi laga so oqaaday weerar fashilmay oo doonidaasi lagu soo qaaday xilli ay maraysay meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Pacific Beat ayaa sheegay inuusan shilkaasi ka dhicin Badda Fiji, balse ay ka dhacday mel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.

Dhinaca kale, Boliska Caasimadda Fiji ee Suva ayaa sheegay inaysan haynin caddaymo la xiriira Dhibanayaasha lagu dilay doonidaasi.

Xigasho: abc.net.au

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com