SAWIR muujinaya sida ay qarannimadii Soomaaliya u sharaf dhacday (Murug)

Muqdisho (Caasimada Online) – Baraha  bulshada ay ku kulanto ee Online-ka sida Facebook iyo Twitter, ayaa lagu shaaciyey sawir cusub oo muujinaya sida qarannimada iyo karaamada Soomaaliya ay dhulka ugu dhacday.

Sawirkan oo todobaadkaan laga soo qaaday Muqdisho wuxuu tilmaam foolxun ka bixinayaa halkeey taagan tahay madaxbanaanida iyo sharaftii Jamhuuriyadda Somalia. Ma rabo inaan ka faalooda laakiin waxaan kaliya ciwaan uga dhigayaa:- SHARAFI DHIMATAY SOOMAALIYEEY????

Wiilkii taariikhda loogu qoray Libaaxa-Geesigii sanka dhuubnaa ee Midabka dhalaalka casaan raaca lahaa- Halyeeygii hogaanka Mustaqbalka dalkeena – Askarigii Jamhuuriyadda Somalia ee Daljirka Qarankeena Soomaaliyeed? Hadii Muqdisho ay ku baarayaan Ciidankii ajnabiyiinta Amisom ee aan ku kala duwanahay Diinta -lahjada, dhaqanka-Urta iyo muuqaalka? MAXAA HARAY OO LEYSKU HEEYSTAA?

Askariga Soomaaliga ee daljirka Qarankeena Soomaaliyeed wuxuu bishii qaataa lacag dhan boqol dollar, waxaana laga yaabaa inuu shan bilood ama sanad waxba qaadan, halka Askariga baaraya ee ajnabiga uu bishii Mushaar u qaato in ka badan kun dollar.

Waa markii ugu horeeysay taariikhda askari dalkiisa uu ku baaro askari ajnabi ah, iyadoo dalku xor inuu yahay warbaahinta laga sheego.

sharaf dhac

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com