Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan oo abaabul DAGAAL wada (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan uu wado Abaabul Dagaal oo ka dhan ah Maamulka Lixda Gobol ee kasoo horjeeda kan Seddexda Gobol oo uu Shariif taageero.

Wararka waxa ay tibaaxayaan in Shariif Xassan oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashandhiga Dowlada Federaalka uu ku howlan yahay sidii Hub iyo Dhaqaale culus lagu geyn lahaa Xarumaha Maamulka Seddexda Gobol si weerar lagu soo afjaro Maamulka Lixda Gobol looga sameyn lahaa Deegaanada uu Maamulka Lixda Gobol sheegto.

‘’Walaal waxaa jira heshiis hoose oo ka dhexeeya Shariif Xasan iyo Madaxweynaha, waxa ay ku heshiiyeen in dagaal lagu qaado Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Somalia, waxaana dhaqaalaha bixinaaya Madaxweynaha isagoona marsiinaaya Shariif Xassn oo lid ku ah danaha Maamulka Lixda Gobol’’ Sidaa waxaa yiri Maxamed Yarow aadan oo kamid ah Odayaasha Maamulka Lixda Gobol.

Sidoo kale, Maxamed Yarow Aadan waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray ‘’Shalay waxaa Is Casilay Wasiiro ka tirsan Maamulka Lixda Gobol, waxaana ka dambeeyay Shariif Xasan, waayo waxaa wasiiradaasi loo sheegay lacag ka badan tan ay Maamulka Lixda Gobol ka qaatan’’

Shariif Xassan, ayaa waxa uu kaalin lixaad leh ka qaatay Dhismaha Maamulka Seddexda Gobol, waxaana la Tilmaamayaa inuu wacad ku maray inuu inta harsan kusoo biirin doono Maamulkiisa, halka kuwa meylka adagna uu ka dhex abuuri doono dhibaatooyin Siyaasadeed iyo Dagaal.

Lama Oga danaha gaarka ah oo ay Dowlada iyo Shariif Xasan ka leeyihiin Dagaalo iyo burbur hor leh oo laga dhex abuuro Beelaha halkaasi ku nool.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com