Ereg oo wada qorsho Xasan Daahir ku wajahn oo aan u cuntameyn DF (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog laga soo xigtay qaraabada Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam, oo sheegeysa a in Wasiirka Amniga Khaliif Erga uu ku howlan yahay sii deynta Xasan Dahir Aweys.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khaliif uu doonayo inuu damiinto Xasan Daahir, si dib loogu celiyo Xoriyadiisa, inkastoo hadda uu heysto Xoriyad dadban.

Odayaasha Beesha Habar-Gidir ayaa dhowr jeer ku guul dareestay inay Madxaweyne Xasan ku qanciyaan in lasii daayo Xassan Daahir, islamarkaana ay iyaga ka mas’uul noqon doonaan wixii dhib ah ee ka imaada dhanka Xassan, balse nasiib daro waxaa dadaalkaasi ka hor imaaday Madaxweynaha oo sheegay in Xasan Dahir uu yahay dambiile, sidaa Awgeedna aan lasii deyn doonin.

Waxaa xiligaani dib usoo noolanaya Dadaaladii ay Beesha Habar-Gidir ku soo furan laheyd Xasan Daahir, waxaana la sheegayaa inuu socdo dadaalo ay wada wadaan Khaliif iyo Odayaasha Habar-Gidir, waxa ayna u muuqaneysaa in Xasan lasiin doono Xoriyad buuxda oo uu ku dhex joogo Magaalada Muqdisho, wallow iminkuba uu heysto Xoriyad dadban, hadana waxa uu dadaalku yahay mid lagu soo afmeerayo Dambiyada uu Xasan ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaan si dhab ah loo Ogeyn sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku aqbali doono in lasii daayo Xassan Daahir, waxa ayna u muuqaneysaa in Dadaaladaasi aysan aqbali doonin Beelo ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo iyagu Xassan Daahir ka tabanaaya dambiyo badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com