Magacyada xildhibaano ku ceeboobay shir aan lagu casuumin oo ka dhacay…

Minneapolis (Caasimada Online) – Koox xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa ku ceeboobay shir loogu magac daray “Legislative Summit”, oo ka dhacayey magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, kadib markii ay uga qeyb galeen si u eg “Yaa i wacday?”.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan sharci dejiyayaasha adduunka, ayaa xildhibaannada iska tagay, ayada oo aaan lagu casuumin, balse ay gadaal ka riixayeen dad ku beel ah oo ku sugan Minneapolis, waxa ay kala yihiin: Xildhibaan Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, Xildhibaan Ibraahim Suleyman Ilkacase, Xildhibaan Keynaan Maxamed iyo Xilliban Cabdibare Jabriil.

Dhammaan xildhibaannadan ayaa ah kuwa baarlamanka Soomaaliya looga dhex yaqaan inay yihiin dad mar walba qabiilka uu ku weyn yahay wax kastana ka hor mariya.

Xarunta shirka uu ka dhacayey oo ah Minneapolis Convention Center, ayaa lagu arkayey xildhibaannadan ayaga oo sawiro iska qaad qaadaya, hase yeeshee waxaa fadeexad iyo ceeb ay dhacday markii ay shirka soo xaadireen xildhibaannadii sharciga ah ee uu soo diray guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.

Markii ay yimaadeen xildhibaannadii saxda ah ayaa kooxda “Reer yaa I wacday” dibedda looga saaray shirka, ceebna ay ka raacday.

Caasimada Online, oo dhacdadan lagu soo war-geliyey, ayaa la xiriirta qaban-qaabiyayaasha shirka, si ay u xaqiijiso labadan koox ee xildhibaannada ah kuwa saxda ah, waxaana la tusay warqadda ka qeyb galayaasha shirka, oo ay ku qornaayeen magacyada xildhibaannadii Muqdisho laga soo diray oo kala ah:

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad
Xildhibaanad Nadiifo Maxamed Cusmaan
Xildhibaanad Luul Cabdi Aadan
Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Cusmaan
Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig

Warqadda cadeeeneysaa xildhibaannada kor ku xusan.
Warqadda cadeeeneysaa xildhibaannada kor ku xusan.

Xildhibaannada ku ceeboobay shirka ayaa iminka ka cabanayaa in dowladda Soomaaliya ay ka daba shaqeysay ayna ka hor istaagtay shir ay ayaga soo dhameysteen ka qeyb galkiisa.

Xafiiska guddoomiyaha baarlamanka oo aan la xiriirnay ayaa Caasimada Online u sheegay in nidaamka dowliga uusan ahayn in shir lasoo dhammeysto, balse wixii casuumad ah ee loo fidinayo xildhibaannada Soomaaliyeed loo soo diro guddoomiyaha, isna uu go’aan ka gaaro.

Soomaalida Minnesota, ayaa aad ula yaabay falkii ay ku kaceen Xildhibaan Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, Xildhibaan Ibraahim Suleyman Ilkacase, Xildhibaan Keynaan Maxamed iyo Xilliban Cabdibare Jabriil, oo ay ku qeexeen wax lala yaabo oo jaahilnimo u eg.

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

Caasimada@live.com