Qarax xooggan oo lala eegtay gaadiid ay la socdeen SHAQAALE HAY’ADEED

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo lala eegtay Gaadiid isugu jiray nooca Dagaalka iyo kuwa raaxada ah.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay Gaadiid kolonyo ah oo ay leedahay Hay’adda ICRC oo ay la socdeen Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa  uu ahaa mid goobta loogu sii aasay Gaadiidka ay la socdeen shaqaalaha Hay’adda ICRC, waxaana la Tilmaamayaa in Qaraxa uu saameyn ba’an ku yeeshay Laba gaari oo ay saarnaayen Shaqaalaha, iyadoona Qaraxa kadib ay rasaas fureen ilaalo la soctay Shaqaalaha.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta isku gadaamay Ciidamada Maamulka KMG, iyadoona ay xireen gabi ahaan goobta, mana aysan sheegin Khasaaraha inkastoo warar horu dhac ah ay sheegayaan inay waxyeelo soo gaartay Laba ka tirsa shaqaalaha iyo Ciidamo la socday, sida ay xogtu nagu soo gaartay

Dhanka kale, Ciidamada Maamulka KMG Jubba, ayaa baaritaano kusoo qabqabtay dad lala xiriirinaayo weerarka, waxa ayna u dhaadhiciyeen dhanka Saldhiga weyn ee Magaalada Kismaayo.

Waxaan sidoo kale weli Qaraxa ka hadlin Maamulka Jubba oo iyagu inta badan la socday dhaqdhaqaaqa Shaqaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com