25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Xog + Sawirro: Qorshaha ay xubno ka socda HirShabelle u joogaan Garoowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wafti uu hoggaaminayo Wasirka Qorshaynta iyo Xiriirka Qurba Joogta Maamulka HirShabeelle ayaa ku sugan Magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland, waxaana ka mid ah xubno kamid ah golaha xukuumadda HirShabeelle.

Socdaalkooda oo ahaa mid aan la shaacin ayaa wararka sheegayaan inay la xariirto kala faa’iidaysi dhinaca Khibradda ah, maadaama maamulkaas uu yahay curdan dhawaan la dhisay.

Wasiir Qorshaynta iyo Xiriirka Qurba Joogta Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Cabdillaahi ”Gabiley”,  ayaa yiri,”Puntland waa hooyadii Federaalka anaguna waxaan kamid naha Federaalka waliba maamulkii ugu dambeeyay ee la dhisay, waxaan Garowe u nimid inaan ka qaadano Aqoon kororsi, balse Siyaasad uma imaan.”

Wuxuu sheegay in qorshadoodu yahay sidii maamulka HirShabeelle u noqon lahaa mid aas-aaskiisu wanaagsanaado, isagoo xusay in aqoon kororsigii uga socday Puntland uu marayo meel wanaagsan.

“Guriga hadii uu aas-aasku ka xumaado waad garan kartaan, anaga waxaan doonaynaa inaan maamulkeena ka dhigno mid adag oo taf ah, waxaana doonaynaa inaan Puntland ka qaadano wixii wanaagsan si aan u noqono maamul wanaagsan,” Ayuu yiri wasiir Gabilay.

Xubnaha ayaa Garowe soo gaaray maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxayna baxayaan Barri oo Axad ah, waana markii ugu horaysay wafdi heerkan le’eg uu soo gaaro magaalada Garowe.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News