Xog: Shan koox ayaa DF la dagaallamaya, waxayna afhayeeno ka dhigteen shaqsiyaad Habargidir ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa ku furan cadaadis xooggan oo la doonayo in lagu dumiyo, ayada oo dhisan kaliya wax ka yar sideed bilood.

Dagaallka lagu hayo dowladda ayaa wejiyo badan, hase yeeshee waxa ay ka midaysan yihiin in dowladda la rido, Soomaaliyana dib loogu celiyo hadda iyo dowlad dhisid cusub iyo waqti lumis.

Shantan koox ayaa kala:

  1. Kooxdii Imaaraadku: Kooxdan waa kooxda ay dowladda Imaaraadka Carabta maalgelisay ee ku shirtay Abu Dhabi ee qandaraaska soo qaatay, waxaa hoggaamiya Cumar Cabdirashiid, hase yeeshee ma ahan nin warbaahinta ka hadla inta badan, wuxuuna weli dhowranayaa magaciisa, isaga oo raja ka qab in mar kale dalka xukunkiisa uu qabto, sidaas darteeda, waxay kooxda afhayeen ka dhigteen Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo maalin walba hoteelada Muqdisho iyo baraha bulshada ka mucaarada madaxweynaha. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa Cayr Habar-gidir
  1. Haraadigii Damuljadiid: Kooxda labaad ee dowladda ku kacsan waa haraadigii Damuljadiid oo kala furfurtay, waxay iska soo hormariyeen Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Odowaa. Kooxdan waxaa weli ciil ka hayaa in loolanka dalka looga adkaaday, waxaana ka go’an in dowladda la rido wixii ay doontaba ha qaadato. Maalmihii hore waxaa u hadli jiray kaliya Mahad Salaad, hase yeeshee markii Soomaalidu nacday, waxaa hadda kusoo biiray Cabdiraxmaan Odawaa. Mahad Salaad waa Cayr Habar-gidir, Odawaa, waa Saleebaan Habar-gidir.
  1. Kooxda Daljir: Kooxda saddexaad ee doonaya inay madaxweynaha ridaan waa kooxda Daljir ee shacabku u yaqaanno Dibjir, waxay iska soo hormariyeen Axmed Macallin Fiqi iyo Abshir Bukhaari. Labada nin midka hore waa xildhibaan kan dambena waa senator. Lama yaqana waxay kula dagaalayaan madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay tahay qabyaalad ayaga oo diidan nin Daarood inuu dalka madaxweyne ka ahaado. Fiqi waa Sacad Habar-gidir, Abshir-na waa Saleeban Habar-gidir.
  1. Kooxda maamul-goboleedyada: Kooxdan sidoo kale waxaa maal-geliya Imaaraadka Carabta, waxayna dowladda kula dagaaleen go’aankii xiisadda Khaliijka. Imaaraadka ayaa lacag ku siiyey inay dowladda ridaan lana soo dhiso dowlad ku mowqiof ah Imaaraadka iyo Sacuudiga. waxay isticmaalayaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ay ka dhigteen seyruuq ay dowladda ku soo ridaan. Xaaf waa Sacad Habar-gidir.
  1. Beesha caalamka: Kooxda shanaan waa beesha caalamka, oo ka careysan inay waayeen wixii ay uga barteen Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif, uuna hoggaanka dalka hayo nin Soomaalinimo ay ka go’an tahay. Waxay isticmaalayaan dhammaan inta kor ku xusan iyo kuwo kale oo qaswadeyaal ah oo qarsoon, si ay ugu soo daba-gabbadaan iyagoo doonaya inay daciifiyaan dowladda, kuna qasbaan inay iyaga isu dhiibto, oo u hoos fariisato masiirkii ummadda Soomaaliyeed.

Kooxda koowaad, kooxda labaad iyo kooxda afraad waxay qabaan in Madaxweynaha lagu qaado impeachment. Kooxda saddexaad waxay qabaan in Ra’iisal Wasaaraha la beddelo si ay jagadiisa ugu fariistaan. Kooxda shanaad waa in status quo-ga lagu sii jiro mar haddii ay Soomaaliya u tahay mashruuc.

Si kasta ha noqotee, su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay, maxay madaxda dowladdu u quweyn la’yihiin aqoonyahannadii Beesha Habargidir ee sida buuxda ugu heellanaa inuu hirgalo mabda’a iyo qorshaha Dowladda Dhexe oo salkiisu yahay Nabad iyo Nolol?

W/Q: Guuleed Maxamed Jaamac
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid