Xog: Shaqada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo hakad gashay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqada Garoonka Muqdisho ayaa saacado kooban hakad gashay kadib markii uu shaqeyn waayey Mashiinka Baarista koowaad ee ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM ee degan garoonka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaysa in Matoorkii kicin jiray mashiinkaas uu xumaaday, sidaas darteed uu muudo kooban hakad ku yimid shaqadii garoonka, maadama uu mashiinkaasi yaalay afaafka hore ee laga soo galayo garoonka Aadan Cadde.

Kadib markii cabasho xoogan ay muujiyeen dadkii ka safrayey garoonkaasi, ayaa muddo kooban kadib waxay Ciidamada AMISOM ku qasbanaadeen inay ku baaran gacanta, si aysan dadkaasi u seegin duulimaadyadoodii.

“In muddo ah ayaa ku xayirnaa irida hore ee garoonka oo ay ciidamada AMISOM ku baaran dadka dhoofaya, kadib markii ay noo sheegen inuusan shaqeynayn mashiinkii baarista ee dadku marayay, taasi oo daahitaan badan nagu keentay” ayuu yiri qof ka duulayey garoonka oo la hadlay Caasimada Online.

Ciidamada ayaa waqti dheer ku qaadatay baarista dadkaasi, maadama ay ka cabsi qabeen in waxbadan hoos maraan inta ay ku gudo jireen baarista macmalka ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Weli si dhab ah looma oga xiliga uu dib u howl-gali doono mashiinka baarista koowaad ee garoonku, taasi oo hakad ku keentay shaqadii maalinlaha aheyd, inkasta oo si kumeel gaadh ah u xaliyeen ciidamada AMISOM ee degan garoonkaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xili ay dhawaan banaanbax balaadhan ay dhigeen shaqaale ka tirsan garoonka oo sheegay inay cabasho ka qabaan shirkada maamusha garoonka, taasi oo xiligaasina hakad galisay shaqadii garoonka ka socotay, maadama ay gadoodeen shaqaalihii.