Xog: Shaqsiga ay u badan tahay in loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay u badan tahay inuu xilkan u magacaabo xildhibaan Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, haddii aanu isbeddel deg deg ah dhicin.

Xamza Cabdi Barre ayaa horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe. 

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaqaan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay labadooda. 

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, wuxuuna ahaa xildhibaankii ugu horreeyey golaha shacabka ee lagu soo doortay Jubaland, 28-kii December 2021.  

Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa rajo xooggan ka qabay madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo dadaal u galay in xitaa haddii aan isaga la magacaabin la magacaabo qof kasoo jeeda Puntland oo uu isaga kaalin ku leeyahay.

Haddii la magacaabo Xamza Cabdi Barre wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee aan qurbo jog aheyn ee xilkan loo magacaabo, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh naftiisa aanu aheyn qurbe-joog. 

Wuxuu sidoo kale noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo.