Somaliland oo jawaab yaab leh ka bixisay tallaabadii uu maanta qaaday safiir Tarsan

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso tallaabo uu maanta qaaday safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Danjire Tarsan ayaa maanta isaga baxay shir la isugu yeeray Diblomaasiyiinta caalamka ee fadhigooda yahay dalka Kenya, balse Somaliland ayaa qoraalkaan ku sheegtay in Danjire Tarsan uu isaga baxay qado sharaf uu Uhuru Kenyatta u sameeyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

“Dowladda Somaliland waxay ka xun tahay tallaabada uu qaaday safiirka Soomaaliya, kaasi oo maanta si deg deg ah uga soo baxay qado diblomaasiyadeed. Soo dhaweynta ayaa waxaa sameeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana loogu talo-galay diblomaasiyiinta ku sugan Nairobi. Safiirka Soomaaliya ayaa uga tegay qadada sababo la xiriira aragtidiisa ku aaddan ka qaybgalka Somaliland ee xafladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland waxay intaas ku sii dartay, “Haddaba, tani waxay si cad u muujinaysaa naceybka iyo cadaawada fog ee ay Soomaaliya u qabto Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda.”

Ugu dambeyntii qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland waxaa lagu yiri, “Jamhuuriyadda Somaliland waa dal qaran ah, madax-bannaan, dimuqraadi ah, oo ku taamaaya inay nabad iyo xasillooni kula noolaadaan waddamada jaarka ah oo ay Soomaaliya ku jirto.”

Hadaba sidey maanta wax u dhaceen?

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shirkaas uu isaga baxay Danjire Tarsan waxa khudbad ka jeedin lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, taasi oo aheyd khudbadiisa ugu dambeysay doorashada dalkaas ka dhaceysa ka hor.

Amb. Tarsan ayaa markii uu yimid goobta shirka oo ay ku casuumnaayeen safiirrada caalamka ee Nairobi, wuxuu ku arkay calanka Somaliland iyo qof matalayay Somaliland oo fadhiya, taasi oo uu si weyn uga carooday.

Waxa uu ka biyo diiday Amb. Tarsan in shirka laga qeyb-galiyo Somaliland, oo ayadu ku dooda dal ka madax-banaan Soomaaliya, taasi oo keentay in safiirka uu shirka si caro leh uga soo baxo.

Kenya ayaa sanadihii dambe sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland, kadib markii ay si weyn isku qabteen dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaaminayey, oo ayadu ka dhigatay cadow.