Xog: Shariif oo maanta ku wajahan Jowhar + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxaya magaalada Jowhar ee xarunta dowladda HirShabeelle, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ujeedada socdaalka Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay sidii uu halkaasi uga soo qaadan lahaa kursiga xildhibaan HOP146 ee beeshiisa saami qeybsiga ay u leedahay.

Kursiga HOP146 ayaa waxaa ka taagneyd dood badan oo beesha dhexdeeda ah, kadib markii ay isku qabteen cidda la siinayo, ayada oo uu u sharaxnaa wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur hase ahaatee markii danbe u tanaasulay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Heshiis dhex maray beesha, wasiir Cabdullaahi iyo Shariifka ayaa la isla gartay in Shariifka lagu sharfo maadaama uu u tartamayo xilka madaxweynaha Soomaaliya, si baarlamaanka gudahiisa ugu dhex qaraabto.

Shariifka ayaa ballan qaad la hubo u sameeyay wasiirka amniga oo doonayay in kursigaasi xasaanad ka dhigto, maadaama uu leeyahay ganacsi xooggan, waxaana loo balan qaaday in haddii uu guuleysto kursiga dib loogu celin doono, hadidi uu guuldareystana uu jagooyin kale uga raadin doono dowladda cusub.

Safarka Sheekh Shariif ayaa waxaa ka horeeyay ciidamo xooggan oo shalay gaaray Jowhar, kuwaasi oo intii ay sii socdeen wadada Jowhar iyo Balcad u dhaxeysa qarax miino kula kulmay, qaraxaasi oo askar aad u tiro badan kaga dhinteen, kuwo kalena kaga dhaawacmeen.

Ma cadda weli haddii xal laga gaaray doodad beeleyd ee ka taagneyd kursiga iyo in dhagaha laga fureystay qeyladooda. 

Sheekh Shariif ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo la rumeysan yahay inuu yahay musharax ay dhinacyo badan wada aqbali karaan haddii uu wareegga ugu dambeeya doorashada gaaro.