24.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Xog: Shariif Xasan oo qaadacay inuu la kulmo Xasan iyo Gen. Gabre oo caro uga baxay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan uu diiday in Madaxtooyada Somalia uu kulan kula qaato Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif Xassan oo qeyb ka ah Hogaamiyayaasha magaalada Muqdisho uga qeybgalaaya Shirka Madasha ayaa sheegay in ujeedka imaanshihiisa magaalada Muqdisho uusan aheyn inay wada kulmaan Xasan Sheekh.

Hogaamiyaha Koonfur Galbeed waxa uu sidoo kale sheegay in isaga iyo Xasan Sheekh ay siman yihiin waxa uuna tilmaamay inuusan garaneynin ujeedka kulanka ay wada qaadanayaan Xasan Sheekh.

Diidmada Shariif Xasan ee la kulanka Xasan Sheekh ayaa timid kadib markii Gen. Gabre oo isku dayay inuu wada kulansiiyo Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo xurguf ay ka dhexeyso.

Gen. Gabre ayaa ku fashilmay qorshihiisa ku aadanaa isku soo dhaweynta Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh, waxaana lasoo warimayaa in Gen.Gebra uu caro uga baxay Madaxtooyada Somalia.

Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa ku tartamaaya Madaxtinimada Somalia, waxa ayna taa sababtay in labada Mas’uul ay ku kala irdhooban Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News