Muqdisho (Caasimada Online) Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey u soo noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, uu billaabay hirgalinta qorsho uu wato oo ah in uu maamul gobaleed u sameeyo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Gedo iyo Jubbada Dhexe.
Maamulkan cusub ee darawalka uu ka yahay Shariif Xasan, waxaa lagu magacaabaa maamulka (Koonfur-Galbeed).
Qorshahan isaga kaligiis ma wado, ee waxaa la wada xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar wasiiro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobalada maamul gobaleedka loo sameenaayo.
Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu hadda ku sugan yahay Muqdisho, oo dhowr cisho ka hor uu soo gaaray, waxaana la lee yahay mardhow wuxuu u ambabixi doonaa magaalada Baydhabo, halkaasoo hadda uu ka socdo shir looga hadlaayo dhismaha maamulka cusub ee iyo sida loo qaybsanaayo saamiga.
Shariif Xasan wuxuu kaloo ergo u diray gobalada maamulkan loo sameenaayo, waxaana halkaas hadda ku sugan xildhibaanno iyo wax garadka ka soo jeeda.
Dhinaca kale, Shariif Xasan wuxuu caqabad ku noqday fadhiyada baarlamanka, iyadoo dhawaan uu furmay kalfadhigii seddaxaad ee baarlamaanka, baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii uu u booqday kooram la’aan, waxaana sabab u ah ayaa la lee yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xildhibaannada hadda shirar iyo kulamo gaar-gaar la leh.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

