Shariif Xasan Sheekh Adan & wasiir ku xigeenka amniga DFS oo isku dhegan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex dhashay Ergooyinkii halkaasi uga qeybgaleysay Shirka lagu dhisaayay Maamulka Seddexda Gobol.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khilaafka uu ka bilowday kadib markii Shariif Xassan uu ku baaqay in la yareeyo Ergooyinka ka kala socday Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Arrintaasi ayaa waxaa kasoo horjeestay Gudiga Farsamada ee loo xilsaaray in ay wax ka dhisaan Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya, iyagoona is hortaagay dano lagu carqaladeynaayay Odayaal iyagu Su’aalo ka keenay qaab dhismeedka Maamulka.

Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Amniga Qaranka ayaa sidoo kale Madasha ka sheegay in shirka uusan aheyn mid lagu cadaadinaayo Odayaasha balse loo baahan yahay in xal lagu gaaro, waxa uuna si gaar ah Farta ugu fiiqay Siyaasiyiin uu kamid ahaa Shariif Xassan oo iyagu arbushaad ku hayo Gudiga Farsamada.

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale ku goodiyay in Shaqsiyaadka carqaladeynaaya Odayaasha Fikirada iyo Talooyinka ka bixinaayo dhismaha Maamulka ay muteysan doonaan jawaabo munaasab ku ah.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka ayaa ahaa mid ku wajahnaa Shariif Xassan oo isagu taageersan Maamulka Seddexda Gobol, waxaana la Tilmaamayaa inuu Shariif isku dayaayo Arbushaad uu ka dhex sameeyo Odayaasha qaar, gaar ahaan kuwa wada Su’aalaha naafeyn kara dhismaha Maamulka.

Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa Khilaafka ka dhacay Hoolka uu ka socday Shirka lagu dhisaayo Maamulka Seddexda Gobol ku eedeeyay Shariif Xassan, waxa uuna Tilmaamay in dhib waliba oo shirka ka dhaca uu isaga qaadi doono Mas’uuliyadiisa.

Shariif Xassan wax Jawaab ah kama uusan bixin Eedeymahaasi, balse waxaa la soo sheegayaa inuu wado kulamo lid ku ah Odayaal aan ku qanacsaneyn Maamulka Seddexda Gobol oo qeyb ka ah Shirka.

Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo shalay lagu kala kacay shirka, kadib markii dhaliilo laga keenay faragalin uu wado Shariif Xassan iyo Ergooyinka ka qeybqaadanaayo shirka oo ka cabanaayo Caadaalad dari

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com