Dagaal ka dhacay madaxtooyada Juba (Axmed Madoobe vs General Fartaag)

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu dagaal culus isku beddelo iska horimaad dhex maray Ciidamada Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa Fartaag.

Wararku waxa ay sheegayaan in labada Ciidan ay ku dagaalamen madaxtooyada, waxaana la tilmaamayaa in Dagaalka uu ka danbeeyay kadib markii ciidamada Axmed Madoobe ay si kam ah rasaas ugu fureen kuwa ilaalada u ah Fartaag.

Warar hoose ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Taliyayaasha Ciidamada Axmed Madoobe iyo Fartaag, waxa ayna taasi sababtay in Ammaanka labada Mas’uul uu saameyn ku yeesho.

Sidoo kale, Xiliga Rasaasta ay dhaceesay ayaa labada Mas’uul iyo Xubna kale waxaa lasheegay inuu kulan uga socday Xafiiska Axmad Madoobe, iyadoo intaa kadibna ay isku hareereyeen Xafiiska Axmad Madoobe Ciidamada Ilaaliya.

Arrintaani ayaa waxa ay bar-bar soctaa dil bareer cad oo muddo Seddex bil ka hor loo geystay Taliyihii Ciidamada ilaalada u ahaa Madaxweyne Xigeenka Jubba Gen. Fartaag, waxa ayna xiligaani u muuqaneysaa in mar kale uu soo laabanaayo Khilaafaatka labada Mas’uul iyo Ciidamadooda.

Dagaalkii shalay ayaan khasaare dhalin, hase yeeshee waxa uu sababat kala shaki xooggan oo labada ciidan iminka ka dhex jira, waxaana laga cabsi qabaa inay mar kale isku dhacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com