Maxaa kala socotaa ujeeddada uu R/W C/Weli u tagayo magaalada Garoowe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo diyaar garoow lagu soo dhaweynaayo Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaamin doono.

Ra’isulwasaaraha dalka C/weli ayaa lagu wadaa in laba maalin ka dib uu booqasho ku gaaro Magaalada Garoowe, isagoona la sheegay in Ujeedka safarkiisa uu ahaan doono mid salka ku haaya xalinta Khilaaf hoosaad ka dhex jira DF iyo Maamulka Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Maamulka Puntland ay guddi gaar ah u magacowday soo dhaweynta wasiirka koowaad ee dowladda Somaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo,waxaana la soo sheegayaa in xiligaan uu socdo qaban-qaabooyin ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Ra’isulwasaaraha iyo xubnaha ku wehlin doona Safarkiisa.

Sidoo kale, Safarka Ra’isulwasaaraha iyo Xubnihiisa, ayaa la soo warinayaa inay qaadan doonto muddo dhowr maalmood ah ,waxaana lagu wadaa in uu booqdo magaaloyin kale oo ka tirsan Puntland sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Garowe.

Dhanka kale, Booqashada Ra’isulwasaaraha ayaa waxa ay imaaneysaa,iyadoo dhawaan Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu shaaciyay in Maamulkiisa uu jaray xiriirka kala dhexeeyay Dowlada Federaalka, waxaana taasi barbar socday hadalo Maamulka Puntland ay hawada u marisay DF, taasi oo la xiriirtay Faragalin la sheegay in C/qeybdiid uu ku haayo Puntland, DF iyana ay ku raacday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com