Yaa ka dambeeyay weerarkii cuslaa ee lagu qaaday dekada Muqdisho? (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba kamid ah Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia ayaa lagu soo oogay danbi la xiriira weerarkii ka dhacay Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho Laba habeen ka hor.

Labada Saraakiil ayaa la sheegayaa inay taabacsan yihiin Nabadsugida, gaar ahaan kuwa khuseeya Gobolka Banaadir, waxaana la tilmaamayaa inay ahaayen kuwii ka danbeeyay weerarkii Xooganaa ee Nabad Suggida ku qaadeen Booliska fariisimaha ku leh Albaabka hore ee Dekeda Magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo ay abaabulkiisu lahaayen Labada Sargaal ayaa waxaa ku dhintay laba ka tirsan Booliska iyo laba ruux oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Degmada Xamar Jajab.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa ku darayaan in saraakiisha weerarkaasi abaabushay ay kala ahaayen Taliye Ku-Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Sabriye ”Shaaweeye” iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Degmada Xamar Jajab Maxamuud Jeego.

Waxaa hadda socda baaritaano adag oo lagu xaqiijinaayo ku lug lahaanshaha weerarkaasi ee Labada Sargaal, waxaana laga yaaba inay xilkooda ku waayan weerarkaasi, waa haddii ay ku cadaato.

Baaritaanka labada Sargaal xoogiisa ayaa waxa uu ka socdaa Xarunta Baarista ee ku dhex taal Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com